Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo kormeeray Isbitaallada magaalada Samareeb

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed xuseen macalin  oo shalay gaarey Magaaladda Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa maanta kormeer indho-indheyn ah ku gaarey isbitaalada Dhuusamareeb, sida isbitaalka guud ee Gobolka iyo Xanaano hospital oo labaduba ka mid ah xarumaha ugu adeeg bixinta badan ee bukaanada qaabila.

Kormeerkaan oo wasiir ku-xiggeenka ay ku wehliyeen, Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac, la-taliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha JFS Mudane Cali Faarax Seeraar, Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku qotomey ogaanshaha adeegyada ay bixiyaan xarumahaan, baahiyaha u baahan wax ka qabashada ee kajira qaybaha kala duwan ee isbitaaladaan iyo in la wadaago talooyinka la xiriira siddii loo horumarin lahaa adeega aas-aasiga ah ee caafimaadka Deegaanada Galmudug.

Maamulada isbitaaladaan iyo bukaanada ayey wasiir kuxigeenka iyo madaxda wehlisey ka dhageysteen kaalmada looga fadhiyo dowlada federaalka, si loo helo adeeg caafimaad oo tayeysan, kaasi oo kala gaara guud ahaanba deegaanada Galmudug.

Dr. Axmed xuseen macalin, wasiir ku-xigeenka Caafimaadka xukuumada Federaalka Soomaaliya oo kormeerkaan kadib warbaahinta la hadley ayaa boggaadiyey dadaalka muuqda ee ka jira xarumahaan caafimaad, isaggoo xusey in uu usii gudbayo degmooyinka kale oo ay si mideysan uga soo uruurin doonaan macluumaad la xiriira hormarinta adeega aas-aasiga ah ee caafimaadka Deegaanada Galmudug.