Waa ay ku adag tahay in uu sariirta ka kaco ama uu hawl ku dhameeyo waqtigii loogu talo galay, waxa uu mar kasta ku raaxaystaa nafiska, waxa uu neceb yahay meelaha lagu soo ururo waxuunu ka fogaadaa buuqa, socodka badan iyo haasaawaha iska furan ma jecla waanu neceb yahay in uu qof kaste la hadlo, dhegeysiga hadalka badan iyo sheekeyntaba waxa uu ku dareemaa daal, hawsha loo diro waxa uu fulinteeda dib ugu dhigaa daqiiqadaha ugu dambeeya !
Haddii aad isku aragto astaamahaa wax ka mid ah waxa aad tahay qof caajis ah , laakii haka warwarin caajisnimada, waxa suuro gal ah in aan sida ugu wanaagsan uga faaiideysan karno caajisnimadeena ! Sidaa darteed ayaa aan isku dayaynaa in aan daaha ka qaadno doorka ay caajisnimadu ka ciyaartay ilbaxnimada basharka !
Caajisnimo awgeed waxa laga yaabaa in aad noqoto suugaanyahan ama qoraa amaba fikiryahan, laakiin kuu ballan qaadi maayo intaas, markaa ha iska dhaadhicin in aan ahay sida dhiirriyeyaasha dadka oo aan kugu boorrinayo in aad noqoto sugaanyahan ama qoraa ku dhisan in aad caajis tahay uun.
Bal aan warka kuu caddeeyo waxa iyana suuro gal ah in caajisnimadaadu tahay mid aan faaiido loo rogi karin kulana gudboon tahay in aad talo dhakhtar ka raadsato !
Qofka caajiska ah waligeedba waxa laga soo qaadaa qof taban oo taag yar, nafis doon dhamaas ah! hase ahaatee arrintani in sidaa loo fudeydsado ma aha; qofka caajiska ahi hawlo uu ku wacan yahay ayaa jirta, waana hawshiisa, hawlo uu jecel yahay kana miro dhalin karo sidaa awgeed badanaa marka loo diro hawl aanu lahayn ayaa uu yeeshaa astaamo qofnimo oo taban waayo waxa uu canaadayaa jawiga aanu dabci ahaan ogoleyn ee lagu jujuubay! Caajisnimada waa falcelin nafsi ah oo qofku culeys aanu u diyaar ahayn iskaga caabbiyo , waana xaalad aan loo bogin sababo badan awgood !
Caajisnimadu iyada ayaa aabbo u ah balwadaha xun oo dhan , haa sidoo kale caajisnimada ayaa falkisay ilbaxnimada basharka, sheekobaraleyda iyo mirqaanka; iyada ayaa sabab u ah dhamaan afkaarta dadka oo idil dhakofaarka u keenta.
Waagii dadku bilowga ahaa ee taariikhda la og yahay oo dhan ka hor, intii aan ilbaxnimo iyo aqoon la yeelan, waxa uu qofku dhex gucleyn jiray kaymaha iyo Duurka, isaga oo ugaar sanaya ama miro guranaya, inyar inyar ayaa ay dadka dhexdooda ama iyaga iyo deegaanku isku dhaafsan jireen waayo-aragnimo waxa se ay u guntanaayeen uun in ay ugaar soo qabsadaan ama isu diyaarinayaan rag iyo dumarba !
Waxase dadkan bilowga ah ka tirsanaa kuwo aan waxtar ku lahayn hawshaa oo godka iska fadhiya dabkana iska sii kulaala; badankoodu si ayaa ay naafo u ahaayeen ama caajisnimo ayaa naafeysay oo ka dhigtay waxtar laaweyaal! ugaar ma soo qabtaan xataa godka lagu hoydo ee ay sii joogaan ma ilaaliyaan umana babac dhigi karaan dhibta nolosha ee deegaanka ee ay dadka kale la halgamayaan si ay quudka maalinlaha ah u soo dhacsadaan! waa caajisiin waxase ay awoodaan wax kale.
waxa ay karti u leeyihiin caajisiintani in ay wax eeg eegaan oo ay isla sheekeystaan una fiirsadaan, waxyaabo aanay sagaaro ka biiqsan oo dadka kale aanay isku mashquulin ayaa ay waqtigooda ku qaataan, mashaakil yaryar oo aan dadka u muuqan ayaa ay ka fikiraan furdaamintooda, ma socon karaan oo guriga ma dhaafaan shaqana ma hayaan markaa waxa ay ka fikiraan halxiraaleyaasha nolosha, waxaanay is weydiiyaan su’aalaha aanay fursadda u helin kuwa nolosha u halgamayaa
sheekooyin ayaa ay abuuraan oo farsamooyin ayaa ay sameeyaan kol ay dhoobo ka sameeyaan wax u eg xayawaankii darraad la soo ugaadhsaday, caajisnimadaa ayay ka dhalatay ilbaxnimadu oo dad caajisiin ah oo aan ka qayb gali karin shaqooyinka muruqa oo badankoodu naafo ahaan uga haray ayaa hindisay
haddii aanu jirin qof caajis ah dadku kama soo gudbeen badownimadii kaynta iyo eryadka duurjoogta oo halkaa ayaa ay iskaga faraxsanaan lahaayeen mana ay suuroobeen ilbaxnimada iyo reer magaalnimada maanta!
Caajisnimadu mar walba ma xuma , waxa ay fursad kuu siin kartaa in aad wax fiirfiiriso oo aad farfaarto adiga oo raadinaya qaab ka fudud midkan kadeedan ee dadku dantooda ku gaaraan adna ay caajisnimada ama naafonimadu kuu diidday ;
Qofka caajiska ah waxa uu mar kasta doonaa qaab fudud oo uu hawlaha ku fushado, ma jecla daalka iyo kadeedka, sida uu u dhibsanayo qaabka ay dadka ku gedaamani u shaqeeyaan ee adag isuna weydiinayo qaab tooda ka fudud oo haddana uu kula noolaan karo ayaa uu helaa fikrado dadka ka daahnaa! In faras la heenseysto oo la fuulo ama gaadhi la hindiso waxa ay fikraddeedu ku arooraysaa qof socodka iyo orodka caajis ka ahaa, guryaha dhagaxa ah waxa ku fikiray qof ka waahsaday furista iyo dhisidda joogtada ah ee guryaha qoryaha ka sameysan oo iyaga laftooda uu hindisay qof ka caajisay qodista godadkii la gali jiray , rasaasta iyo gantaalaha fikrad iyo farsamo ahaanba waxa ay ku aroorayaan qof la mid ah ninkii soomaaliyeed ee ay caajisnimadu, fuleynimana waa lagu sheegaaye, ka yeersiisay “waar colka waraf ma lagu dayay ?” wax kastana waa la mid, qofka caajiska ahi ma aha mar kasta qof taban !
Aan u fiirsano sheekada qofkii bilowga ahaa ee caajiska ahaa qofkii hindisay afkaarta, dhugashada, sheeko xariirada iyo qoraalka, qofkani markii uu ka caajisay in uu ka qayb galo nolosha muruq-maalka ee dadku quudka ku eryanayaan ayaa ay firaaqo ku soo baxday waxaanu ku maarraroobay fikirka oo waa wax la iska garan karo ah in noole kaste leeyahay qaab uu iskaga dhawro dabargo’a oo uu deegaanka kula qabsado afkaarta iyo wax fasirka ayaa uu ka dhigtay hab uu deegaanka kula qabsado, waxa uu qofkaa caajiska ahi soo saaray waxa aragtiyo dadka wareeriyay waxaanu macnayaal saaray dhacdooyinka uu ugaarsaduhu orodka ku dhaafay !
Bal u fiirso nolosheena caadiga ah qofka shaqeeya ee ku mashquulsan shaqadiisa socodka lugta iyo adeegga gacanta noloshiisana aanay firaaqo ka bannaaneyn fursad uma helo in uu fikiro, wax u fiirsado , hal-abuur iyo qoraal hindiso ama ku mashquulo falsafadda iyo suugaanta, awooddiisa oo dhan waxa uu ku bixiyaa shaqadiisa sidaa awgeed waqti kuma lumiyo ka fikirka waxyaabaha liita marka shaqadiisa loo eego
tusaale ahaan hadalka dadka waxa ay isugu gudbiyaan baahiyaha ka dhexeeya oo intaa wax ka baxsan uma leh qofka hawllan balse qof caajis ah oo camal la’ ayaa isla hadalkii ku fikiray markaa ayaa uu tidcay ama isku beegbeegay odhaahyo ay dad kala duwan kaga hadleen baahiyo kala duwan inta uu isla raadsaday oo uu xiriiriyay waxaana halkaa ka soo baxday suugaan iyo maahmaahyo ama murti
Halka uu qofkaa shaqadiisa ku adagi fiidka u seexdo in uu berri xilli hore ugu kaco shaqadiisa, faylasuufka ama suugaanyahanka ama qoraagu waxa uu ku saamalaylaa in uu tix yar qoro ama sheeko yar curiyo ama ninkaa fiidka seexday nafsaddiisa macneeyo.
WQ: C/risaaq Axmed Absuge