4) XAQA NEBIGA (NNK) (QEYBTA 2-AAD)
- In la adeeco, oo looga daydo arimaha dunida iyo aakhirada oo dhan. 2- In aanu jecelykiisa ka hor marinin jaceylka maqluuqa kale. 3- Inuu xiriiriyo qofkii uu xiriirin jirey, inuu la coloobo qofkii uu col la ahaa. 4- In la weyneeyo magaciisa marka lagu ag sheego qofka. 5- In la rumeysto waxkasta oo uu ka sheegay aduunyada iyo aakhiradaba. 6- Nooleynta sumadihiisa iyo muujinta shareecadiisa. 7-Codka oo hoos loo dhigo marka qabigiisa l agjoogo. 8- Jaceylka dadka wanaagsan waa jaceylkiisa, naceybka dadka xun xunna waa naceyb kiisa Iyo in dawadiisa la fidiyo. 9- In aad dul istaagto qabrigisa adiga oo salaamaya.
- XAQA DALKAAGU KUGU LEEYAHAY Xaqa dalkaagu kugu leeyahay aad buu u badan yahay, waxaana ka mid ah:
- Waa in aad ka difaacdaa cadowga gudaha iyo dibaddaba.
- Waa in aad ka shaqaysaa horumarka dalkaag.
- Waa in aad wixii xunna la necbaataa wixii fiicanna la jeclaataa dalkaaga.
- Waa in aad u naxdaa dalkaaga daacadna u noqotaa oo aadan khiyaamin.
- Waa in uu shacuur iyo qiiro wadaninimo lahaadaa.
- XAQA UU QOFKU KU LEEYAHAY DALKIISA.
Xuquuqda uu qofku ku leeyahay dalkiisa aad ayuu u badan yahay
Waxaana ka mid ah:
- In uu xornimo buuxda ku helo dushiisa.
- In shaqo ka heli karo
- In uu cadaalad iyo sinaan ku helo
- In uu meesha uu doono ka degi karo kuna noolaan karo
- Waa in uu ka helaa waxyaabaha nolosa lagama maarmaanka u ah sida hugga, hoyga hunguriga iyo hawada.
7) XAQA WALAALAHA
- 1- Qofka waa in uu u arkaa xaqqa ay walaalaha isku leeyihin, inuu la mid yahay kan ay waalidka iyo ilmihiisa ay isku leeyihiin.
- 2- Walaalaha yar yar waxaa ku waajib ah inay walaalahooda ka waaweyn ula dhaqmaan sida waalidkood,
- 3- Walaalaha waaweyna waxaa ku waajib ah inay walaalahooda yar yar ula dhaqmaan sida waalidka ay ula dhaqmaan wixii xuquuq iyo waajibaad ahaa ee ka saarnaa arintaas. waana sida la yiraaahdo xaqqa walaalka weyni uu ku leeyahay walaalkiisa yar waxa uu la mid yahay xaqqa uu waalidku ku leeyahay ilmihiisa.
Waxaa kale oo uu rasuulka nnk ahaa uu yiri (u baari noqo hooyadaa, aabahaa, walaashaa, walaalkaa, ka dibna qofba qofka uu kaa xigo.
8) XAQA MUSLIMKA IYO MUSLIMKA KALE
- Inuu salaamo haddii uu la kulmo.
- Haddii uu hindhiso inuu u duceeyo
- Haddii uu jirado inuu booqdo
- Haddii uu dhinto inuu meydkiisa raaco.
- Inuu ogolaado haddii uu u yeero.
- Inuu ka rumeysto haddii uu dhaarto
- Inuu u gargaaro haddii la dulmiyo
- Inuu quudiyo haddii uu baahan yahay
- Inuu furto qofkii xirma. Ama la qafaasho
- Inaanu dulminin
- Inaanu xaqirin
- Inuu waaniyo haddii uu talo weydiisto
- Inuu la jeclaado waxa uu naftiisa la jecel yahay.
- Inuu u dhimriyo oo aanu iska weyneyn
- Inaanu ka aamusin in ka badan saddex beri.
- Inaanu xamanin.
- Xaqdaro inaanu ku caayin haddii uu dhinto iyo haddii uu nool yahayba.
- Waa inaanu xaasidin ama aanu u malo xumeyn.
- Waa in aanu khiyaanin.
- Waa in uu kula dhaqmaa dabeecad wanaagsan.
- Inuu qiimeeyo haddii uu ka weyn yahay ama uu u naxariisto haddii uu ka yar yahay.
- Waa inuu u saamaxaa gefafkiisa ceebihiisana uu u asturaa.
- XAQA GAALADDA
- Waa in aanu ku qirin gaalnimadda
- Waana in uu uga raali noqonin gaalnmada
- Inuu ku necbaada waxa uu alle ku neceb yahay.
- In aanu la saaxiibin oo uusan jeclaanin
- In loo garsooro oo cadaalad loo sameeyo
- In naxariista guud loo naxariisto sida biyaha iyo cuntada in la siiyo. Iyo in la daaweeyo haddii uu bukoodo iyo in aan la dhibin.(waayo nebiga waxa uu yiri u naxariista waxa dhulka ku nool waxa kuu naxariisanaya waxa samadda ku nool) waxa kale oo uu nebigu yiri waxkasta oo beer qoyan leh waxa ay leeyihii ajar.
- In laga dhibin maalkiisa iyo dhiigiisa iyo sharaftiisa haddii uusan ahayn mid dagaal.
- Derisnimadda oo wax loogu hadiyadeeyo.
- In laga qaato hadiyadiisa oo la ogolaado
- In la cuno cuntadiisa haddii uu ehlu kitaab yahay sida yahuudi ama nasraani.
- Waa in aanu guursan gabar muminad ah, laakiin la guursadaa gabdhaha ehelu kitaabka ah.
- Haddii uu hindhiso oo uu ilaahey ku xamdiyo in la yiraahdo ilaahey ha ku soo hadiyadeeyo.
- Waa in aan salaanta lagu bilaabin, haddii uu ku salaamose waa laga radinayaa iyada oo la leeyahay idinku korkiina ha ahaato.
- Wadada waa lagu ciriirinayaa haddii looga hor yimaado
- In lagu khilaafo dhaqanka iyo lebiska.