Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo daah-furay shirweynaha Qurbe joogta Soomaaliyeed,

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha Qurbe joogta Soomaaliyeed,

Shirkan ayaa waxa ka soo qeyb galay wasiiro ka tirsan XFS,Xildhibaano ka tirsan labada Gole Baarlamaan,Bulshada rayidka iyo Qurbe joogta Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac oo shirka furay ayaa sheegay  in qurba joogta ay kaalin muuqato ka qaateen dib u dhiska dalka,waxa uu sheegay in ay qabaan baahiyo kala duwan una baahan in xal loo helo

” Waxaa jira Dad badan oo Soomaaliyeed oo dhibaato nolol xumo iyo sharci la’aan ah ay ku haysato dalalka ay joogaan dadaal ayaan ku bixin doonaa si wax looga qabto” sidaa ayuu yiri wasiirka Arrimaha dibadda

Shirka ayaa inta u socdo looga hadli doonaa Arimaha la xariira siday qurbajoogta Soomaaliyeed door muhiim ah uga qaadan lahaayeen Hanaanka Dowlad dhiska Soomaaliyeed,kan Dhaqaale abuurka bulshadda iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiya ay qabaan Qurba joogta Soomaaliyeed.