Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday xubin katirsan khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo Khawaarijta ka tirsanaa.

Duqow ayaa Khawaarijta kaga biiray Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray Bishii Lacag $70 ah.

Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si’uu uga fuliyo Muqdisho Dilal iyo Qaraxyo.

14 May sanadkaan ayaa Yusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.

𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka dhagar qabaha