ASAASEYAASHII HALGANKA XORNIMADOONKA SYL.

Habeenkii ay taariikhdu ahayd 15 May 1943kii, ayaa yaasiin xaaji ismaan soo hordhigay barnaamijka xisbiga oo ka kooban 13 qodob, qodobbadaas waxaa ka mid ahaa:

In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobannimada iyo madax bannaanida umaadda soomaaliyeed In shanta soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna laysugu keeno In xoog la saaro tacliinta ama waxbarashada gaar ahaan in lagu dadaalo waxbarashada dhallin yarada iyadoo tacliintu muhiim u tahay halganka xornimadoonka oo aan la’aanteed la gaari Karin.

In Af-Soomaaliga la qoro, oo weliba la qaato farta cismaaniyada, iyadoo loo arkayay markaasi inay tahay mid waddaniyad ah In shacabka lagu baraarujiyo in halganka xornimo doonka iyo madax bannaanida In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ee ay ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm. Qodobbada kale ee hartay waxay badi ku saabsanaayeen xeer hoosaadka iyo maamulka xisbiga. Yaasiin Xaaji Cismaan, wuxuu isla fadhigaas soo jeediyay in la doorto guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, wuxuna ku taliyay in labada jago loo dooran xubno ka soo jeedo qabiillada waaweyn, si looga hortago tartan iyo awood sheegasho qabiil oo mustaqbalka wiiqa xisbiga, halgankana curyaamisa, iyadoo taladaas la tixgelinayo waxaa la doortay labadaan mudane:- C/qaadir Sheekh Saqaawadiin —- Guddoomiye Xaaji Maxamed Xuseen ———— Guddoomiye ku xigeen.

Yaasiin Xaaji Cismaanna waxaa loo doortay inuu noqdo Xoghayaha guud ee Xisbiga. Kulankaasi waxaa kaloo lagu go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ama la shaacin ujeeddada siyaasadeed ee xisbiga ilaa intii uu ka hana qaadayo. Saa darteed waxaa xisbiga loo bixiyay magaca naadiga dhallinyarada soomaaliyeed SYC, waxaa sidaas loo yeelay in maamulka ingriiska loo tuso xisbigu inuu yahay naadi dhallin yaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka, si looga gaashaanto carqalad iyo dhibaato ka iman karta xagga maamulka Ingriiska. Subaxii 15kii May 1943kii, waxaa guddoomiyaha xisbigu C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, iyo xubno wehliya tageen xafiiska dhiisiga ingriiska iyagoo wada codsigii ay ku dalbanayeen ruqsadda furitaanka naadiga dhallin yarada soomaaliyeed.

Dhiisiga Ingriisku markuu aqristay codsigii wuxuu yiri waan idin oggollaaday in aad naadiga furataan, waayo annagu waxaan nahay dowlad dimoqoraadi ah, waxaase idinkaaga digaya in aad sameysaan haba yaraatee wax dhibaato u keeni kara amniga iyo xasiloonida dalka iyagana way ka aqbaleen.

Ka dib wuxuu xisbigii afar qol ka kireysta daar u dhow afar irdoodka ee xamar weyne, wuxuu u adeegsaday fasallo lagu barto farta cismaaniyadda afka carabiga iyo ingriiska, waxay qorteen macallin suudaani ah oo daruusta cariba iyo ingriiska ku bixiya. Sidoo kae, waxay qololkaasi u isticmaaleen xarunta xisbiga iyo maaqayad shah iyo kafee oo lacag jaban looga gado xubnaha xisbiga iyo weliba meel lagu dhageysto raadiyaha laguna aqristo jaraa’idka si loola socdo aqbaarta adduunka. Dabadeed Xisbiga SYL, wuxuu ku dhaqaaqay tallaabooyinkaan:- Waxaa la sameeyay Calankii iyo astaantii xisbiga Waxaa la daabacay kaararkii xubannimada xisbiga Waxaa la qoray qoraallo qeexaya mabaadi’da xisbiga Waxaa xubnaha lagu qoray taburucaad joogto ah, si loo daboolo kharajka maamulka, gaar ahaan dadka shaqeeya inay bixiyaan 20% mushaarkooda In habeenka Axadda la baraarujiyo xubnaha iyo dadweynaha iyo in la iska wareysto wixii war ah ee cusub, lalana socodsiiyo wixii qorsho ah.

Shan ilaa lix bilood ka dib, markuu furnaa xisbiga SYL wuu xoogeystay, waxaana ku soo biiray taageereyaal aad u fara badan oo mutadawaciin ah, waxaana cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa intaba. Gobollada iyo degmooyinka dalka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku dalbanayaan in xisbiga xafiis halkaasi looga furo, waxaa mooddaa in shacabka Soomaaliyeed sugayeen dhawaaq oo keliya. Laga billaabo 1943kii, waxaa xisbiga leegada laga furay gobollada dalka Soomaaliya oo idil, isla markaasna waxaa si lixaad leh u batay taageereyaasha xisbiga, oo ay u dhan yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, sida dhallinyarada, culimada, odayaasha, dumarka iwm.

Horumaraka xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas, wuxuu ahaa mid layaab leh, oo mucjiso ahaa, oo aan taariikhdiisu halkaan lagu soo koobi Karin. Bishii Maajo 1947kii, waxaa xisbigu go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca xisbiga oo ahaa SYC, loona bixiyo SYL, lana muujiyo awooddiisa, sababaha soo socda awgood:- In xisbiga oo xididdeystay oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni adag oo aan la loodin Karin.

Gumeystaha Ingriiska, oo ka dhawaajiyay in uu rabo in Soomaaliya oo idil loo wada dhiibo, halka gumeystihii Talyaaniga, oo uu u xusul duubayo in loo soo celiyo maamulkiisa Soomaaliya, gaar ahaan konfurta Soomaaliya.

Axsaab siyaasadeed oo Soomaali ah oo ku saleysan hab qabiil, gacan saarna la leh quwadaha shisheeye oo xisbiga SYL laga horkeenay.

Goor galab ah 1947 ayaa xibigu qabtay shir lagu casuumay Soomaali iyo ajnabiba, waxaana halkaasi khudbad ka jeediyay, isagoo ku hadlaya magaca xisbiga xoghayaha guud ee xisbiga Mudane, Yaasiin Xaaji Cismaan, wuxuuna ku dhawaaqay in xisbiga oo markii hore ahaa SYC, Loo bixiyay SYL, uuna yahay xisbi siyaasi ah, oo u halgamaya xornimada ummadda Soomaaliyeed oo idil, dagaalna kula jira gumeysiga.

Ayaamo ka dib, Amar Ilaah waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan oo ahaa Xoghayiihii guud ee xisbiga jiro loo maleeyay inay tahay Mallaaryo, markuu dareemay in jiradiisu culus tahay, wuxuu ka dardaarmay in jagadiisa loo dhiibo Cabdullaahi ciise maxamuud, oo markaas madax ka ahaa faraca xisbiga ee beled weyne, oo ay wada shaqeyn jireen, waana laga aqbalay taladiisa, maalmo ka dibna yaasiin wuu geeriyooday alle how naxariistee.

Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Alle how naxariistee meeshii ayuu howsha xisbiga ka sii waday, wuxuuna xisbiga iyo shacabka Soomaaliyeed ugu adeegay si naf hurnimo ah, daacad iyo Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hooyay siyaasadda iyo halganka gudaha iyo dibaddaba , wuxuu noqday Ra’iisal Wasaarihii ugu horreeyay ee xakuumaddii daaqiliga ee Soomaaliya sannadkii 1956kii.

Haddaan dib ugu noqonno Taariikhda 1947, waxaa dhacay xiisadii siyaasadeed ayaa aad u kululaatay ka dib, markii wasiir dibadeed dowladda Ingriiska, oo la oran jiray Bevin uu soo jeediyay in dhulka Soomaaliyeed oo idil, marka laga reebo Jabuuti, Ingriiska gacanta ku hayo, loona sameeyo hal maamul, oo Ingriiska hoos yimaada, qarammada midoobayna kor ka ilaaliso .

Waxaa qorshahaas Ingriiska ka soo horjeestay Ruushka Iyo Maraykanka, balse hindisaha xisbiga SYL way soo dhaweysay iyagoo u arkayay in mideynta dhulalka soomaaliyeed ka qeybqaadanayo.

Dhinaca kale, talyaaniga oo ka facil qaadanaya hindisaha Ingriiska, damac weynna ka qabay soomaaliya, ayaa dardar cusub geliyay dadaalkiisii uu ugu jiray in carriga soomaaliya uu gacanta ku dhigo mar kale.

Dhammaatkii 1947kii, waxaa lagu soo wargeliyay xisbiga SYL inuu xamar imanayo guddi ka socda afarta quwadood ee dagaalkii labaad ee adduunka ku guuleystay ee Mareykanka, Ingriiska , Faransiiska iyo Ruushka.

Muhiimmada guddigu, waxay ahayd xaqiiq u raadin iyo in uu u kuur galo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka soomaaliyeed.

Intaanuu guddiga iman, xisbiga leegadu, wuxuu qabtay shir weyne ay ka soo qeyb galeen guddiyada xisbiga ee gobollada soomaaliyeed oo idil, si looga wada tashado meelna leysula dhigo mowqifka xisbiga ee ku aaddan guddiga ka socda afarta quwadood ee waa weyn. Wada tashi iyo dood dheer ka dib, xisbigu wuxuu go’aansaday in la codsado in soomaaliya ay wada jir u maamulaan afarta quwadood, go’aankani wuxu ku saleysnaa laba aragti oo kala ahaa:-

In aan marnaba la aqbali Karin in la soo celiyo Talyaaniga, oo la ogyahay in uu yahay fashiiste iyo weliba inuu dhibaato u geystay Ummadda Soomaaliyeed. In kastoo Ingriisku ku dhawaaqay in uu Soomaalida oo idil meel isugu keenayo, loona riyaaqay, haddana waxaa la istusay in aan la aamini Karin, maadaama uu yahay dowlad gumeyste ah.

Guddigii Afarta quwadood oo Xamar yimid 6,dii Jannaayo 1948kii, waxaa la qorsheeyay in urur siyaasadeed walba uu dhoolatus ku maro guddiga hortiisa, oo ahayd halka hotel curuuba ku yaallo, oo waagaas ahayd xarunta dhiisiga Ingriiska. Waxaa buuq sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyay, oo meel kasta la maraya calamo Talyaani, iyagoo ku dhawaaqayay Talyaani, Talyaani.

Arrintaas markay dhacday, waxaa xisbigii Leegadu codsaday in maalin gaar ah la siiyo oo ay cududdooda ku muujiyaan, balse waxaa laga war helay in kooxahii ka soo horjeeday rabaan in ay carqaladeeyaan bannaanbaxa iyo dhoolatuska xisbiga leegada. Dabadeed, xisbiga leegadu markuu dersay xaaladda, wuxuu go’aansaday in haddii la carqaladeeyo dhoolatuska inay weerar ku qaadaan Talyaaniga oo ay si toos ah u abaarto Talyaaniga , oo ahaa kan soo dirayay kooxaha Soomaalida.

Subaxii 11kii Jannaayo 1948kii, waxaa xarunta xisbiga leegada lagu reebay shan dhallinyaro oo horseed ah iyo qaar dumar ah, intoodii kale, waxay abaabuleen bannaanbax, iyagoo ku jira howsha abaabulka, ayaa soo gaartay qeylo dhaan ah in la soo weeraray xaruntoodii xisbiga, ayna soo weerareen kooxahii Soomaalida oo Talyaanigu taageerayay soona dirayay.

Intaa ka dib, taageerayaashii xisbiga leegadu waxay isu qeybiyeen qaar difaac ka gala xarunta xisbiga iyo qaar weerar ku qaada Talyaaniga, weerarka maalinta dhacay waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah, 55 kalena waa lagu dhaawacay.

Xisbiga leegada waxaa gacan siiyay askartii Soomaalida ee Ingriiska u shaqeynayay oo hoosta leego ka ahaa.

Dagaalkaas waxaa leegada kaga dhimatay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako) xarunta leegadu markaas waxay ku tiillay ka soo horjeedka meesha hadda laga dhisay taallada Xaawo Taako, haddana ah meesha Maktabadda Qaranka ay ku taallo.

Bishii September 1949kii, waxaa furmay kal-fadhigii qarammada midoobay, fadhigaas waxaa laga sugayay inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd.

Xisbiga SYL, wuxuu xarunta qarammada midoobay ee New York u diray Allaha u naxariistee Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo ahaa Xoghayihii Guud ee Xisbiga, si uu u cabiro mowqifka xisbiga leegada, oo ahaa in Afarta quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, xornimo ku gaarsiiyaan muddo toban sano ah (10 Sano) iyo marnaba in dalka Soomaaliya lagu soo celin Talyaaniga.

Bishii Oktoobar horraanteedi 1949kii, waxaa la helay warar muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi rabo Talyaaniga.

5tii Oktoobar 1949kii, waxaa xisbiga leegadu sameeyay mudaaharaad iyo bannaanbaxyo ka dhan ah Talyaaniga, laguna qabtay goobta hadda loo yaqaan (Dhagax-tuur).

Ingriisku, wuxuu soo diray askartiisii oo uu amar ku bixiyay in 15 daqiiqo gudahood in dadka bannaanbaxay ku kala dareeriyaan, hase yeeshee lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax tuurid oo askartii lagu asqeeyay, dabadeedna askartii waxay dadkii ku fureen xabado, waxaana halkaas ku dhintay 2 qof, waxaana ku dhaawacmay 50 qof, oo Afar yihiin Booliiska Ingriiska, dagaalkaas wuxuu la magic baxay (dagaalkii Dhagax-Tuur ee 5tii Oktoobar 1949).

Maamulkii Ingriisku, intaasi kuma ekaanin ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda xisbiga leegada, waxaana magaalada Ceel-buur loo masaafuriyay, Daahir Xaahu Cismaan (Daahir Dhego Weyne), Maxamuud Maalin Guur, Cali Xirsi, Maxamed Axmed Otavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.

21kii November 1949kii, waxaa golaha guud ee qarammada midoobay uu soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamulka Talyaaniga oo 10 sano gobannimo ku gaarsiiya, qarammada midoobayna kor ka ilaalineyso.

Bishii April 1950kii, ayaa maamulkii talyaanigu la wareegay xilka Soomaaliya, waxaa Talyaaniga wehliyay guddi ka kooban saddex dal, oo kala ahaa Masar, Filibiin iyo kolombiya, oo wakiil ka ahaa qarammada midoobay, ilaaliyana sida Talyaanigu u fulinayo howsha lagu aaminay.

Ka dib Talyaanigu markuu soo noqday, waxaa galay damac inuu muddada dheereysto, wuxuu isku dayay inuu kala qeybiyo Soomaalida, kala gado xoojiyo qabyaaladda, xisbiga leegadana laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto, si uu u dheereysto muddada loo qabtay inuu Soomaaliya xornimo ku gaarsiiyo, isagoo guddiga saddaxda dowladood u tusaya in Soomaali sidaa rabaan.

Qorshahaas, waxaa si aan gabasho lahayn u hor istaagay xisbigii leegada oo beeniyay kana dhaadhiciyay guddiga saddexda dowladood in Talyaanigu doonayo in uu waqtiga dheereysto.

Ka dib 1952kii, waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda xisbiga leegada ee kismaayo, arrintaasina waxaa xisbigu ka sameeyay bannaan bax, bannaanbaxaas waxaa lagu dilay nin Talyaani ah.

Xisbiga leegadu, waa sii watay halgankiisii ilaa uu ku guuleysto doorashooyinkii dowladaha hoose ee la qabtay 1954kii, markaas ayaa talyaaniga quustay, oo bedelay siyaasaddiisii hore, dantana ku kaliftay in uu soo dhaweeyo xisbiga leegada oo wakiil ka ah danta soomaaida ee xornimo doonka ah.

Waxaa farxad weyn ahayd, 12,kii Oktoobar 1954kii markii la taagay Calanka Soomaaliyeed, calankaasoo Farshaxankiisu iyo hindisahiisu lahaa Alle how naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda xisbiga leegada, waxaana calankaasi la taagay xarunta qarammada midoobay ee New York.

Sanadkii 1956kii, waxaa la qabtay doorashadii siyaasadeed ee ugu horreeysay ee dalka ka dhacda, waxaana aqlabiyaddii kuraasta ku guuleystay xisbiga leegada, oo dhammeyd 70 kursi, waxaana la dhisay xakuumad daaqili ah oo uu Ra’iisal Wasaare uu ka yahay Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud Xoghayihii guud ee xisbiga leegada.

Bishii Maarso 1959kii, waxaa markale la qabtay doorashadii labaad ee siyaasadeed, iyadoo tirade kuraasta laga dhigay 90 kursi oo dhammaan Soomaali yihiin, halka tii hore shisheeyaha ku lahaa 10 kursi, waxaana mar kale doorashada ku guuleystay xisbiga leegada, kuraasta inteeda badan, waxaa markale loo magaacabay Mudane C/llahi Ciise maxamuud oo hayay xilka ilaa 1960kii markii xornimada la qaatay.

Halgankii xisbiga leegadu wuxuu ku soo gabagaboobay guushii xorriyadda 1,da luulyo 1960kii iyo israacii labada gobol ee waqooyi iyo koonfur, waxaana mahaddeeda iska leh, labada xisbi ee SYL iyo SNM, oo xornimada gobollada waqooyi u halgameysay sidii gobannimo loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaaiyeed ee ku nool halkaasi oo Ingriiska gumeysan jiray kaasoo gobannimadiisa qaatay 26,kii Juun 1960kii.

WQ: Dr-Maxamed Isaaq Mursal.