Shacabka Muslimiinta ayaa ah dadka inta badan u dabaal daga ciidda weyna ka farxad badan yihiin dadka aanan soo soomin bisha barakeesan ee Ramadan, dadka aan soomin waxa ay dareemayaan walwal , murugo iyo isla hadal oo wuxuu galayaa shalaay ah maxaad u soomi weyday ayey ku shaleynayan .
Ciidda waxa ay ka mid tahay maalmaha gaarka ah ay iidaan dadka muslimiinta ah ayna ku muujiyaan shucuurtooda ayaga oo weyneynaya magaca ilaahay oo ay ku tagbiirsanayaan oo wajiyadoodadana ay ka muuqato farxad aanan la qayaasi Karin.
farxaddaan ciidda ayaa sida dhabta ah waxaa laga dareemayaa suuqyada waa weyn ee ku yaala soomaaliya sida suuqa Bakaaraha oo ah xudunta dalka iyo suuqyada ku yaala gobollada dalka .
Waxaa jaam ah suuqa weyn ee Bakaaraha iyo suuqyada kale ee ku yaala gobolka Banaadir oo ay u soo suuq tageen kumanaan bulsho ah kuwaas oo doonaya in ay iibsadaan dharka ciidda, macmacaanka xalwada buskutka oo ay inta badan loo iibiyo caruuta iyo sidoo kalena dadka waa weyn iyagana ay iibsadaan dharka ciidda iyo guud ahaan wax cusub oo ka beddelan maalmihii la soo dhaafay.
Ciida intabadan waalidiinta ayaa ku qasbanaada in ay u soo iibiyaan caruurtooda dharka noocyadooda kala duwan oo ay caruurta ku iidaan iyo waxa ay ku ciyaaraan sida bistoolooyinka qoryaha caagga ah bistoolada faayow, bistoolada baaruuda iyo sidoo kale waxaa jiro qalabo kale ay caruurta ay aad u jecel yihiin oo ah baaburta caruurta ay ku ciidaan iyo qalabyo kale oo badan oo ay caruuta ku iidaan.
Sidoo kalena ciidda meelaha kale ay mashquulka badan waxaa kamid ah goobaha lagu dubo rootiyada halkaas oo ay bulshada ay ka soo dubtaan buskud ay ku casuumaan dadka maalinta ciidda oo ah maalin lawada faraxsan yahay muslimiinta oo dhan dadka ay u soo martiya waxaana ay isku casuuman Buskud, Xalwo iyo macmacaano badan oo maalinkaa farxadeed la isku casuumo.
Sidoo kale, waxay dadka aadayaan goobaha lagu istareexo sida beerta nabadda iyo daarasalaam.
Haddaba, maanta oo kale ayaa sannadkiiba mar la sugaa iyadoona ay dadku usii diyaar garoobaan ciidda xigta ee loo yaqaanno ciidda carrafo.
Ugu danbeyn bulshada muslimiinta gaar ahaan bulshada soomaliyeed waxaan ugu hambalyeenayaa ciidda oo ah maalin farxadeed waxaana leeyahy kulu caam wa antum bilkhayr.
WQ: Osman Dhiblaawe