Dawladda Burundi ayaa gaarsiisay agab caafimaad ciidankeeda ka tirsan hawlgalka midowga Afrika ee Soomaliya

Dowladda Burundi ayaa soo gaarsiisay qalab loogu talo galay in lagu taageero baaritaanka iyo maaraynta COVID-19 askarta Burundi ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya “AMISOM.”

qalabkan ayaa waxa ka mida meshiinka PCR iyadoo u sii marisay wasaarada gaashaandhiga qaranka iyo wasaarada caafimaadka bulshada waxayna soo dadajin doontaa natiijada baaritaanka ciidamadu maraan iyadoo mudo afar saacadood kusoo saaraysa, halkii markii hore qaadan jirtay hal maalin ilaa shan maalmood.

Madaxa isbitaalka Amisom ee Heerka 1Aad Kabtan Ndayishimiye Emmanuel, ayaa ku ammaanay dowladda Burundi taageerada joogtada ah ee ay siiso si loo hubiyo nabadgelyada iyo ladnaanta ciidamadooda ku sugan Soomaaliya iyadoo la gaarsiiyay qalab lagu baaro COVID-19.