HALGANKII XORNIMADOONKA URURKII SNL EE GOBOLLADA WAQOOYI EE SOOMAALIYA.

Intii aanan u guda gelin halganka ururkii SNL, marka hore aan dib u milicsanno xaaladda dadka ku nool gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxaa heystay cadaadis iyo gumeysi heer aysan xamili Karin.

Shaqsiyaadkii ugu horreeyay ee ka dhiidhiya cadaadiska gumeystaha Ingriiska ku hayay shacabka, waxaa ka mid ahaa AUN, Xaaji Faarax Omaar, oo ka mid ahaa Shaqaalaha Bad-maaxyada dowladda Ingriiska 1935.

Xaaji Faarax Oomaar, wuxuu billaabay inuu cambaareeyo falalka gumeysi ee uu ku hayo Ingriiska dadkiisa, wuxuu kaloo billaabay inuu dadka kiciyo, kuna booriyo inay ka dhiidhiyaan ficillada gumeysi ee Ingriiska.

Gumeysigii Ingriisku markuu arkay Khatarta uu ku hayo Xaaji Faarax Oomaar, wuxuu u masaafuriyay magaalada cadan oo ahayd mustacmaradda Ingriiska.

AUN, Xaaji Faarax Oomaar, wuxuu halkiisii ka sii waday halgankii uu dadka ku kicinayay, isagoo halkaasi ka soo saarayay Wargeys Afka Caarabiga ku qoran ayuuna si qarsoodi ah ku soo gelinayay Magaalada Hargeysa, Arrintaasi oo Aakhirkii keentay in halgankii uu ballaarto oo shaqsiyaad fara badan u soo kacaan si loo halgamo sidii laysaga xoreyn lahaa gumeysiga Ingriiska.

Dhaq-dhaqaaqii, wuxuu Aakhirkii keenay Ururro Siyaasadeed oo u halgama Xorriyadda Dadka, waxaana ugu weynaa Ururrada, Ururkii SNL, oo la Asaasay 1947.

Haddaba, waxaa xusid mudan, Odayaasha Waqooyi, iyagoo ka shaqeynaya Mideynta Soomaaliya Markay Taariikhdu ahayd 17/7/1947 Baaq qoraal ah u diray, taasoo la mariyay xafiiska maamulka gumeysiga Ingriiska oo xilligaas ka talin jiray Gobollada Waqooyi.

Baaqaasi oo ay u dhamaayeen, Suldaannada, Cuqaasha, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka ee Dadka Reer Soomaaliland, kuwaasoo kala ahaa:-

  • Suldaan Maxamed Cali Shire
  • Suldaan Cali Muuse
  • Suldaan Maxamed Faarax
  • Suldaan Xirsi C/llaahi
  • Suldan Saciid Cabdi Abbi—Guddoomiyaha Ururka SNS
  • Suldaan Maxamed Jaamac—Xoghayihii Guud ee Ururka SNS
  • Suldaan Cumar Hurreh-Guddoomiyaha Ururka SNS ee Ceer-gaabo
  • Suldaan Xaaji Jaamac Maxamed—Xoghayihii Maaliyadda ee Ururka SNS
  • Suldaan Ibraahim Cali—SNS
  • Suldaan Axmed Suleymaan—Guddoomiyaha Ururka SNS ee Burco
  • Suldaan Cabdi ciise—SNS
  • Suldaan Axmed Maxamuud—SNS
  • Suldaan Yusuf Xaji Adan—SNS
  • Suldaan Maxamed Ciise Daraawiish—SNS Laas-caanood
  • Suldaan Maxamed Ibraahim—SNS
  • Suldaan Aadan Cali—SNS
  • Suldaan Aadan Saciid—SNS
  • Suldhaan Xaaji Aadam Axmed—SNS
  • Suldaan Caydiid Maxamed—SNS
  • Suldaan Xaaji Xasan Geelle—SNS
  • Suldaan Maxamed Kaahin—SNS
  • Caqiil Yusuf Yaasiin Maxamed
  • Caqiil Jaamac Cali Shire
  • Caqiil Maxamed Ula-Joog
  • Caqiil Xaaji Faarax Goodax
  • Caqiil xaaji Diiriye Cabdi
  • Caqiil Cawad guuleed
  • Caqiil Yuusuf Iimaan
  • Caqiil Suleymaan Yuusuf
  • Caqiil Axmed Xaaji Cabdullaahi
  • Caqiil C/raxmaan X. Cali
  • Caqiil Ducaale Cabdi
  • Caqiil Abokor Xaaji Faarax
  • Caqiil Xayd Diiriye
  • Caqiil Maxamuud Cabdi caroole
  • Caqiil Aadan Cabdi—SNS—Berbera
  • Caqiil Sayid C/raxmaan—SNS—Laas-Caanood
  • Caqiil Shiikh C/ullaahi Geelle
  • Caqiil Maxamed Axmed—SNS—Burco
  • Caqiil Cismaan Xaaji Muuse
  • Caqiil Yuusuf Shiikh Cusamaan Nuur—Qaadiriye
  • Caqiil Axmed Shiikh Cismaan Nuur
  • Caqiil Shiikh Xuseen Axmed Daraawiish
  • Caqiil Yuusuf Xirs

Odayaashan ka tirsanaa Gobollada Waqooyi, waxay duqowda ku yiraahdeen, “waxaan dareensan nahay in xaquuqda dadkeenna lagu tuntay, taasoo aan horay noo soo marin, si arxan darro ah loo qeybiyay maadaama dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kala qebsadeen:

  • Biritish
  • France
  • Italy iyo

Qeybintaasi iy dhibaatooyin fara badan ay ka soo gaartay dadka Soomaaliyeed, caqabad culusna ku noqotay horumarka dalka ee dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Sidaa darteed, waxaan boqortooyada  dowladda Ingriiska ka codsaneynaa in la mideeyo ummadda soomaaliyeed, maadaama hadda dowladda Ingriisku uu gacanta ku hayo dhammaan dhulka soomaaliyeed oo idil, marka laga reebo Jabuuti uu Faransiiska gacanta ku hayo, si loo helo Soomaali Weyn oo Madax bannaan, waxaan Boqortooyada Ingriiska ka fileynaa in dalka iyo dadka Soomaaliyeed Maamulka dowladda Ingriiska ku hayo sidii loo mideyn lahaa, isla markaana waxaan ka rajeyneynaa inaysan markale dhicin sida foosha xun ee ummadda soomaaliyeed loo kala qeybiyay, taasoo aan horay uga dhicin Qaaradda Afrika”.

Nuxurka baaqaasi wuxuu ahaa sidii loo heli lahaa Soomaali Mideysan oo Xor ah, waxayna xilligaasi Soomaalidu aaminsanaayeen in maalin la heli doono Soomaali Weyn oo Xor ah.

Hase yeeshee, Nasiib-darro 70,Sano ka dib in himilladaasi ay burburtay maxaa yeelay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed 1960,kii  gacanta gumeysiga ka baxday inay maanta noqotay mid kala qeybsan, taasoo ah mid aan farxad gelineynin inta damiir soomaalinimo leh, oo ku abtirsata magaca Soomaaliyeed, balse waxay farxad gelineysaa cadowgeeda.

Haddii, aan usoo noqonno arrintii xornimo-siinta Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya 1945,kii Dowladda Ingriisku ka dhistay Gole lagu magacaabo Golaha la tashiga (Advisory Councel) oo sannadkiiba halmar shirayay.

1955,kii waxay soo saartay sharci lagu magacaabay (The Somaliland Constitution) kaasoo dhaqan-galkiisu dib u dhacay ilaa 1957,kii xilligaasoo la dhisay Golahii ugu horreeyay ee sharci-dejinta ee British Somaliland, oo ka koobnaa xubno isku dhaf ah.

1959,kii waxaa dhaqan galay mar-labaad isla sharciga kor ku xusan ee (The Somaliland Constitution) oo lagu dhisay Gole sharci-dejin ka kooban xubno la soo doortay iyo qaar ku yimid magacaabid.

1960,kii waxaa la qabtay doorasho ku saleysan  isla sharcigii hore, waxaana doorashadaan ka qeybgalay xisbiyadii siyaasadda halkaa ka jiray oo kala ahaa:-

  • Xisbigii SNL
  • Xisbigii USP iyo
  • Xisbigii NUF.

Doorashadaasi, oo lagu tartamayay 33 kursi, waxay xisbiyada siyaasadda u kala heleen sidan:-

  • Xisbigii SNL, wuxu helay 20-Kursi
  • Xisbigii USP, wuxuu helay 12-Kursi
  • Xisbigii NUF, wuxuu helay hal (1) Kursi

Xisbiga SNL, oo ahaa Xisbiga ugu weynaa hormuudkana u ahaa Xorriyadda, wuxuu xiriir toos ah la lahaa Xisbigii SYL ee Koonfurta Xornimada ka dhaliyay.

Markii ay Xornimada qaateen 26,kii Juun 1960,kii waxaa dhacay israacii labada gobol, labada gobo lee Waqooyi iyo Koonfur.

1dii, Luulyo 1960, waxaa abuurmay baarlamaan ka kooban 123, xildhibaan, 90 Xubnood oo ka soo jeeda golahii baarlamaanka ee Koonfur iyo 33 Xubnood oo ka soo jeeda Baarlamaankii Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland.

Jagada Guddoomiyaha, waxaa loo doortay Mudane Jaamac C/llaahi Qaalib, oo horay u ahaa Guddoomiyihii Baalamaanka Soomaaliland, kaasoo jagada hayay ilaa Maarso 1969,kii.

Ka dib, Baarlamaanku wuxuu u doortay Madaxweyne ku-meel gaar ah mudane, Aadan C/dulle Cismaan, muddo Hal-Sano ah inta Dastuurka KMG Afti Dadweyne looga Ansixinayo.

Ururkii gobannimadoonka SNL ee Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxaa la Asaasay 1947,kii  isagoo magaciisi hore ahaa SNS, waxaana asaasay 18,ka Xubnood ee hoos ku qoran oo kala ah:-

  • Suldaan Saciid Cabdi Abbi— Guddoomiye
  • Suldaan Maxamuud Jaamac—Xoghaye Guud
  • Suldaan Xaaji Jaamac Maxamed—Xoghayaha Maaliyadda
  • Suldaan Cumar Hurre—Guddoomiye Ururka Ceeri-gaabo
  • Suldaan axmed Suleymaan—Guddoomiye Ururka Burco
  • Suldaan Maxamed Ciise Daraawiish—Guddoomiye Ururka Laas-Caanood

 

  • Suldaan Ibraahim Cali— Xubin
  • Suldaan Cabdi Ciise—-Xubin
  • Suldaan Amed Maxamuud—Xubin
  • Suldaan Maxamed Ibraahim—Xubin
  • Suldaan Aadan Cali —Xubin
  • Suldaan Aadan Saciid—Xubin
  • Suldaan Xaaji Aadan Axmed—Xubin
  • Suldaan Ceydiid Maxamed— Xubin

 

  • Suldaan Xaaji Xasan Geelle—Xubin
  • Suldaan Maxamed Kaahin— Xubin
  • Caqiil Maxame Axmed—Xubin
  • Caqiil Aadan Cabdi—Xubin

UJEEDDADA LOO ASAASAY URURKA WAXAY AHAYD:-

  • In dalka laga xoreeyo gumeysiga lana mideeyo
  • In lala dagaallamo Qabyaaladda, Midab-takoorka, Dhaqamada ka soo horjeeda Diinta
  • In Dhallinta wax la baro, laguna baraarujiyo Dhaqankooda Suuban.

Ururka SNL, waxay isku hadaf iyo Ujeeddo ahaayeen Xisbigii SYL ee Koonfurta Soomaaliya ee Xorriyadda u dagaallamayay,waxayna Aakhirkii ku guuleysteen inay labadii Gobol ee Ingriiska iyo Talyaanigu gumeysanayay Xoreeyaan, isla markaana Hal Dowlad ka dhigaan, 1-da Luulyo 1960-kii, iyagoo abuuray Jamhuuriyadda Soomaaliya.

WQ: Dr. Maxamed Isaaq Mursal