XEERKII XISBIGA SYL EE XORNIMADOONKA MIDEYNTA UMMADDA SOOMAALEED

Xornimadoonka iyo Mideynta Ummadda Soomaaleed, Magaca Xisbiga, Ujeeddada iyo Xarunta Qodobka kowaad: Magaca xisbiga (Xisbiga Dhallinyarada Soomaaliyeed SYL).

Qodobka labaad: xarunta xisbiga dhallinyarada soomaaliyeed waa xamar, oo ah magaala madaxda soomaaliya, marka xarunta soomaaliya meel kale loo wareejiyo, xisbigu halkaas ayaa xarun u noqon doonta. Qodobka Saddexaad: xisbigu wuxuu laamo ku yeelan doonaa magaalooyinia waaweyn ee gobollada dalka soomaaliya.

Qodobka Afaraad: dhammaan xubnihii naadiga SYC, waxay si toos ah xubno ugu noqonayaan xisbiga SYL, iyadoo magacyadoodu u kala horreyn doonaan sidoodii hore, haysanayana warqadahoodi hore ee aqoonsiga, taniyo inta xisbiga SYL, ka sameynayo warqado cusub ee aqoonsi.

Qodobka shanaad: ujeeddada xisbiga SYL waa:- Inuu mideeyo dhammaan dadka soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, uuna baabi’yo dhaqammada xun xun oo dhan oo ay ka mid yihiin:- Qabyaaladda, Qilaafka u dhaxeeya dariiqooyinka diinta iwm In dhallin yarada wax la baro, laguna ilbixiyo nolosha casriga ah, laguna baraarujiyo dhaqankooda suuban.

Xubnaha xisbigu waa inay ka hortagaan, iyagoo waddo sharci ah u maraya wax kasta oo danta ummadda soomaaliyeed ka hor imanay. In la qoro afka soomaaliga In la xoreeyo, lana mideeyo dalka iyo dadka soomaaliyeed ee gumeysigu qeybiyay. Maamulka iyo qaab dhismeedka xisbiga. Qodobka lixaad: qaab dhismeedka xisbiga SYL waa :- Golaha dhexe Guddoonka dhexe Guddiga cabashooyinka Guddiyada deegaannada Unugyada deegaannada shirweynaha guud qodobka toddobaad: golaha dhexe ee xisbiga SYL, wuxuu ka kooban yahay 13 xubnood iyo laba kormeere, oo ay iyagu magacaabeen, labada xubnood oo laga soo dhex doortay xubnaha xisbiga SYL.

Qodobka siddeedaad: Waxaa jiri doona guddi qaban qaabo, oo diyaarin doona magacyada iyo habka doorashadu u dhaceyso, tartamayaasha, waxaa la hubinayaa kartidooda wax qabad, guddigan wuxuu xilka haynayaa muddo sannad ah. Qodobka sagaalaad: Codadka codbixiyeyaasha haddii ay isla ekaadaan, codka guddoomiyaha meesha uu raaco ayaa guusha raaceysaa, go’aankana waxaa lagu gaarayaa hal dheeri. Qodobka tobanaad: Guddoomiyaha golaha dhexe ayaa isla markaa ah guddoomiyaha xisbiga SYL.

Golaha dhexe, waxay iska dhex dooranayaan:- guddoomiye guddoomiye ku xigeen xoghayaha guud khasnaji guud kormeere qaabilsan xagga xisaabaadka. Qodobka kow iyo tobanaad: Shirarka golaha dhexe ee xisbiga, waxaa iskugu yeeri kara guddoomiyaha, ku xigeenka ama xoghayaha guud, ka dib marka leysku wada raaco. Qodobka laba iyo tobanaad Golaha dhexe ee xisbiga toddobaadkii mar ayuu yeelanayaa shirkooda caadiga ah.

Kulammo aan caadi ahayn haddii loo baahdo golaha dhexe ee xisbiga waa in 12 saac ka hor la isa soo wargeliyaa. Qodobka saddex iyo tobanaad: Shirka golaha dhexe ee xisbiga, wuxuu ku furmi karaa marka ay goobta joogaan kala bar in ka badan, haddii la waayo tirade shirka ku furmi lahaa dib ayaa loo dhigayaa, dib dambe ayaana la isa soo wargelinayaa. Qodobka afar iyo tobanaad: Awooddda golaha dhexe waxay ku baahsan tahay dhammaan howlaha xisbigu ka wado dalka. Qodobka shan iyo tobanaad: Goleyaasha deegaanka, waxay xisbigu ugu qaabilsan yihiin arrimaha maamulka iyo howlaha gobollada dalka ka socda waxayna leeyihiin guddi howlah u fuliya.

Guddi waliba, wuxuu ka kooban yahay 9 xibnood, wuxuuna xilka haynayaa muddo 6 bilood ah, waxaana lixdii biloodba mar doorta golayaasha degaanka, kuwaasoo iska dhexdoorta xoghaye, isagaana laanta deegaanka madax u ah, guddoomiyaha xisbigana wakil uga ah.

Qodobka lix iyo tobanaad: Guddiga cabashooyinka: wuxuu ka kooban yahay 7 xubnood, waxaana golaha dhexe ee xisbiga ka dhex xushaa xubnaha ugu magic dheer, oo xushmad ku leh xisbiga dhexdiisa. Qodobka toddobo iyo tobanaad: Sida uu qabo qodobada 11, 12, iyo 13 ee xeerkan, sidoo kale, waxaa shirar iyo kulamo qabanaya guddiyada degmooyinka goortii iyo meeshii ku habboon.

Qodobka siddeed iyo tobanaad: Hoggaanka dhexe ee xisbiga SYL, wuxuu ka kooban yahay oo xubno ka ah golaha dhexe, waxayna kala yihiin:- guddoomiye guddoomiye ku xigeenka xoghaya guud qanajiga guud.

Qodobka sagaal iyo tobanaad: Hoggaanka dhexe ee xisbiga ayaa xisbiga mas’uul uga ah arrimaha Diyaarinta dhammaan ajandooyinka golaha dhexe Fulinta dhammaan go’aannada golaha dhexe In ay xubnaha xisbiga u abaabulaan kulamo dhaqameed iyo wacyigelin joogta ah toddobaad walba Qodobka Labaatanaad: Haddii daruufo jiraan oo aan suuragal ka dhigeyn in golaha dhexe shir la isugu yeero sida ku xusan qodobbada 11,12,13, ee xeerakan markaas hoggaanka fulinta ayaa qaadanaya tillaabooyinka loo baahan yahay, dabadeedna soo hordhigaya golaha dhexe, si loo ansixiyo.

Qodobka kow iyo Labaatanaad: guddoomiyaha, kuxigeenkiisa iyo xoghayaha guud, waxay la xiriiri karaan cid saddexaad ama dowlad, arrimo ku saabsan ujeeddooyinka, balse go’aammo lama qaadan karaan oggolaansho la’aanta golaha dhexe ee xisbiga. Qodobla laba iyo labaatanaad: sidoo kale, qodobka kow iyo labaatanaad ee xeerkan wuxuu saameynnayaa guddiyada deegaannada iyo hay’adaha kale ee la midka ah xisbiga.

Qodobka saddex iyo labaatan: goleyaasha deegaannadu waxay xisbiga uga wakil yihiin arrimaha gudaha ee dalka.

Qodobka afar iyo labaatanaad: shirarka guud shirweynaha iyo kulammada guud waxaa isugu imaanaya dhammaan xubnaha xisbiga ee xarunta xamar jooga markaas.

Waxaa kaloo ka soo qeybgalaya dhammaan guddiyada deegaannada, waano shan iyo toban maalmood ka hor taariikhda kulanka qabsoomayo joogaan xamar.

Qodobka shan iyo labaatanaad: shirweynaha xisbiga SYL, sannadkiiba mar ayaa la qabanayaa, haddii golaha dhexe garto inay jirto baahi degdeg ah, waxaa inta xarunta joogta isugu imaan karaan shirweyne aan caadi ahayn, madaxda laamaha gobollada jooga dib ayaa lagala socodsiinayaa go’aamada shirweynaha aan caadiga ahayn.

Qodobka lix iyo tobannaad: fadhiga shir weynaha waxaa la billaabi karaa, haddii ugu yaraan kala bar xubnaha xisbiga ay joogaan degmooyinka xarunta ku taal. Qodobka todoba iyo labaatanaad: shirweynaha xisbigu waa awoodda ugu sarreysa hay’adaha xisbiga.

Xisaabaadka iyo Lacagta Qodobka siddeed iyo labaatanaad: kharashyada xisbiga oo dhan, waxaa oggolaanaya golaha dhexe, lacag hayahu, lacagta xisbigu leeyahay wuxuu ku shubayaa bangiga, loomase oggola inuu bangiga ka soo saaro lacag ka badan shilin soomaali 500, haddii uusan haysan amarka guddoomiyaha ama xoghaya guud ee xisbiga. Qodobka sagaal iyo labaatanaad: xisaabaadka keydka u ah xisbiga, qofna lama deymin karo.

Qodobka soddonaad: labada kormeere ee xagga xisaabaadka qaabilsani waa inay aad ula xisaabtamaan xisaabiyaha, bishii mar waa inay golaha dhexe siiyaan warbixin ku saabsan xaaladda xisaabaadka maaliyadda xisbiga ku sugan yihiin. Qodobka kow iyo soddonaad: xisbigu wuxuu qoranayaa oo uu mushaar siinayaa laban kormeere oo golaha dhexe soo magacowday.

Qodobka soddon iyo laba: golaha dhexe ee xisbigu dhammaadka sannad walba, wuxuu diyaarinayaa warbixin guud oo ku saabsan heerka xisabaadka maaliyadda xisbigu joogaan waxayna warbixintooda hor geynayaan shir weynaha guud oo isna u sii gudbin doona madaxda laamaha guddiyada degmooyinka.

Qodobka soddon iyo saddex: madaxda xisbiga ee degmooyinka ayaa ka mas’uul ah soo ururinta iyo soo gudbinta lacagaha dhigaalka xisbiga, waxayna u gudbinayaan guddoonka dhexe ee xisbiga.

Qof walba oo lacag laga qabtay, waxaa la siinayaa warqad caddeyneysa lacagta laga qabtay caddadkeeda, dhammaadka bil kasta waxaa loo soo gudbinayaa xarunta dhexe ee xisbiga.

Qodobka soddon iyo afar: laamaha xisbiga ee gobollada iyo degmooyinka, golaha dhexe ee xisbigu wuxuu siinayaa lacag ay isaga bixiyaan kharashyada baahidooda ya ku daboolaan.

Soo gelitaanka iyo Anshax marinta. Qodobka soddon iyo shanaad: xisbigu wuxuu xubno u qaadanayaa qofkasta oo dhallinyaro soomaali ah oo firfircoon lehna sharuudahan:- Waa in da’diisu 15 sano ka yaryn Inuu leeyahay dad la dhaqan fiican, oo aan dembi ciqaab lagu muteysan karo horay u gelin, ama hadda aan dacwad ku socon.

Inuusan ka tirsaneyn ururkale oo soomaaliya ka jira Qodobka soddon iyo lix: qof lixdan sano ka weyn xisbiga xubin firfircoon kama noqon karto hase yeeshee, waxay ka shaqeyn karaan horumarka xisbiga iyo taageeradiisa waxaana loo qaadan karaa xubin sharafeed.

Qodobka soddon iyo toddoba: kharshka soo gelitaanka waa shilin soomaali 5 shilin, bishiina waa dhigaal shilin soomaali 1shilin oo bishiiba mar ah. Qofka xubinnimo loo qaato bisha kala barka 15ka, waxaa laga qaadayaa bisha oo dhan. Qodobka soddon iyo sided: qofka doonaya inuu xisbiga xubin ka noqdo arji ayuu soo qoranayaa, waana inuu yahay qof hurnaan lagu yaqaan, waxaana la soo raacinayaa arjiga magacyada laba qof oo xisbiga katirsan oo aad u taqaan, haddii laga shakiyo asluubtiisa dib ayaa loo dhigayaa arjigiisa.

Qodobka soddon iyo sagaal: qofkii muddo lix bilood oo isku xigta aan dhigaalka xisbiga bixin waa laga tirtirayaa diiwaanka xisbiga. Qodobka afartanaad: ciqaabta la marinayo xubinta xisbigaoo xad gudub lagu soo caddeeyo waxaa ka mid ah:-_ Cannaan iyo dabagal in lagu sameeyo In la ganaaxo lacag aan ka badneyn shilin soomaali boqol shilin.

In xisbiga laga saaro Ciqaabta xarfaha a, b, guddiyada degmooyinku way qaadan karaan, balse waa inay la socod siiyaan xarunta xisbiga warbixin buuxda oo dacwadda ku saabsan.

Qodobka afarta iyo kow: haddii xubin xisbiga laga saaray ay racfaan ka qaadato go’aanka xisbiga lagaga saaray oo ay soo weydiisato inay xisbiga dib mar kale xubin uga noqoto, guddiga cabashooyinka ayaa awood buuxda u leh inuu go’aan ka gaaro arrintaas.

Haddii guddiga oggolaado codsigiisa markaa qofka waa inuu bixiyaa ganaax dhan shilin soomaali 150 shilin, muddo sideed iyo toban bilood ka dib go’aaanka guddiga waa in qofka dib xubin xisbi loogu qaato. Qodobka afartan iyo labaad: qofkii iskiis xisbiga uga baxa oo doonaya inuu dib ugu soo laabto waa inuu bixiyaa shilin soomaali 100 shilin, sugaana muddo sannad ah, si uu xisbigu ugu soo noqdo. Qodobka afartan iyo saddexaad: lacagaha xisbiga la siiyo lama celin karo, marka laga reebo lacagta amaahda.

Qodobka afartan iyo afar: haddii xubin xisbiga ka mid ahayd go’aaan lagu gaaro in xisbiga laga saaro ama la ganaaxo lacag ka badan 50 shilin, xubintani racfaan ka qaadato go’aanka guddiga cabashooyinka ayaa kama dambeyska ah.

Qodobka afartan iyo shan: qofka doonaya inuu xisbiga xubin ka noqdo waa in marka hore loo aqriyaa xeerka iyo ujeeddooyinka xisbiga iyo sharuudaha midnimada.

 

Haddii qofka intaas oggollaaday ka dib, waxaa lagu dhaarinayaa inuu dadka iyo dalka soomaaliyeed daacadnimo ugu shaqeyn doono. Tilmaamaha daryeelka xubinta.

Qodobka afartan iyo lixaad: haddii xubin xisbiga ka mid ah ay dhibaato ku dhacdo, wuxuu xaq u leeyahay inuu kaalmo soo weydiisto xisbiga, waxaa arrintaas go’aan ka wada gaaraya golaha dhexe iyo guddiyada degmooyinka.

Qodobka afartan iyo toddobo: goobaha xisbiga oo dhan, waxaa laga furayaa dugsiyo waxbarasho waxaana dhiganaya oo wax lagu barayaa xubnaha xisbiga iyo caruurtooda.

Qodobka afartan iyo sideed: dhammaan dhaliilaha xubnaha xisbiga ooku saabsan siiyaasadda iyo maamulka xisbiga, waxaa si toos ah loogu soo qorayaa golaha dhexe ee xisbiga.

Gebagebo: Qodobka afartan iyo sagaalaad: xeerkaan waxaa wax ka beddeli kara shirweynaha xisbiga Qodobka kontonnaad: wax ka beddelka xeerkaan waxaa cod hal dheeri ah ku ansixin kara shirweynaha xisbiga.

WQ: Dr. Maxamed Isaaq Mursal