Soomaaliya markay xurnimada qaadatay habeenkii Calanka Jamhuuriyadda la saarayay lana dejinayay kuwii gumeystaha aniga waxaan ahaa 6 jir gacanta laga hayay oo waxay waalidkey ii sheegeen inay habeenkaas ila taagnaayeen goobta calan saarka ee fiisho governo.
Waxaan soo garaadsaday iyadoo ay shaqeynayso dowlad aan isleeyahay waxba idinkama haleynin, oo waxaa dhisnaa waxyaabo badan oo dowladnimada looga baahnaa, sida waxbarasho lacag la’aan ah, isbitaallo lacag la’aan ah iyo amaan sugan, waxaana 9 jirkeygii ley geeyay iskuul, kaasoo lagu magacaabi jiray (gardana masaya) kolkii dambana dowladdii kacaanka u beddeshay Dugsiga hoose/dhexe ee Macallin Jaamac.
Dugsigani wuxuu ku yiillay halka maanta loo yaqaanno guriga hooyooyinka ee ka soo horjeedka Golaha Murtida iyo Maddaddaalada National Theatre-ka Muqdisho Soomaaliya.
Dugsiyada xilliyadaasi caanka ahaa ayuu ka mid ahaa iskuulka Media Centeraale, oo dowladdu u bixisay dugsiga Bartamaha, sidoo kale, waxaa caan ahaa dugsiga Allaahida oo masaarida wax ka dhigi jirtay, dugsigii kolleejo nova somalo, dugsigii Yusuf Al-kowneyn, dugsigii iskola Comerciale, dugsigii xamar jabjab sidoo kale waxaa jiray machadyo sida machadkii sidam iyo kuwo kale oo fara badan, jaamacadaha ayaa iyagana ahaa kuwo faro kutiris ah sida jaamacaddii umadda, lafoole iyo gahayr, xilliyadaasi waxbarashada dalka way dhisneyd waana nidaamka dowladnimada sida laga rabo.
Sidoo kale, ciidammada ayaa ahaa kuwo aan darajadooda lagu helin ama lagu qaadan si fudud, dalkuna wuxuu lahaa kuuliyado lagu tababaro saraakiisha sida kuuliyadda Jaalle Siyaad, sidoo kale ciidammada ayaa heegan ku ahaan jiray xeryahooda, halka maanta aan weli waxbadan laga qaban xeryihii ugu caansanaa dalka.
Habeenkii 1969-kii maalin talaado ah 21-ka Oktoobar aniga oo subaxaasi aaday iskuula ayaa waxaa nalaga soo celiyay isgoyska ceelgaabta waxaana meelwaliba ku go’naa dabaabaad waxaana dadka guryahooda ku celinayay ciidankii sameeyay inqilaabka waxaana la dhihi jiray kacaankii 21-ka oktoobar
Si kastaba ha ahaatee, waxaan dareennay haddaan aheyn shacabkii waagaasi joogay dalka in biloowgii kacaanku uu qabtay howlo muhiim ah oo loo baahnaa sida ololihii waxbarashada oo ugu mihimsanaa wixii la soo qabtay horumar iyo dadaal ay muujiyeen golahii kacaanka sare balse gadaal dambe culeys badan ayaa la dareemay.
1973-kii waxaan ka mid ahaa ardaydii loo diray in ay dadka gaarsiiyaan iftiinka waxbarashada ee markaasii dowladdu aad ugu howlaneyd waa oOlolahii Horumarinta Reer Miyiga, waxaan halkaasi ka billoway anigoo arday ah in aan magaca dowladnimada ugu shaqeeyo bulshadeyda soomaaliyeed aana noqdo mid nasiib u helay inuu dalkiisa kala dagaallamo saddaxda cadow mid ka mid ah oo ah jaahilnimada.
sidoo kale, waxaana nasiibkaasi helay arday badan oo waagaasi ila eyni ahayd ama iga waa weynaa, laakiin waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan dareemo mas’uuliyad dowladnimo in ay isaaran tahay.
Waxaan reerkeyga uga fogaaday iyagoo aan jecleyn in aan habeenna ka soo dhaxo waxay ahayd waddaniyadda iyo dowlad jaceylka ay qabeen iguna soo barbaariyeen in aan dalkaan u taagnaado horumarkiisa iyo wanaagiisa.
Xilligaasi shacabka soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwa waloolo ah oo isku laab xaaran lamana aqoon xumaanta iyo luggooyada maanta jirta oo kale, ninna nin kale kuma mashquuli jirin dalkana wuxuu ahaa barwaaqo iyo nimco.
Ujeeddada taariikheyntaydu waxaa weeye in aan dowladnimada lala garab dhigin wax walba oo ka soo horjeeda.
Haddaan dib u fiirsho dhaqanka dowladnimada ee xilligaas, waxaa muhiimadda ugu weyn la saaray dhanka amniga iyo ammaanka muwaadinka soomaaliyeed iyo bad qabkiisa, qof wuxuu soconayay saacadduu doono meeshuu doonana waa tegayay isagoo xor ah, shaqaalaha dowladdu waxay ahaayeen kuwo aan marnaba lagu murmin mushaaraadkooda oo waxaa si weyn loo adkeeyay la dagaallanka musuqa waxaana jiray sharci adag oo la yiraahdo xisaabi xil maleh, waxaana la gaarsiiyay sharcigan ilaa heer la toogan karo qofka haddii ay xisaabta uu dhacay gaadho malaayiin, sidoo kale waxaa lala xisaabtami jiray qofkii lagu eedeeyo waxa loo yaqaanno qaa’in waddanka.
Sidaadaba, waxaa habboon in dadka la baro dal jaceylka iyo waddaniyadda waana Meesha aan isleeyahay wax badan ayaa dhiman, qofka Soomaaliga ah waa in laga dhisaa dhanka waddaninimada iyo dal jaceylka iyo horumarinta si uu fekerkiisa ugu darsado in ay jiraan dal iyo dad isaga u baahan, isla markaana la baro in uusan dalkiisa dhicin qiyaamin, wax xunna uusan ku sameynin.
waa in ardaynimada lagu baraa oo lagu daraa muqararrada lagu dhigo fasallada sida taribiyada wanaagsan, waa inay dugsiyada iyo jaamacadaha ka soo baxaan arday waddaniyiin ah oo jecel dalkooda iyo dadkooda, hadda waa la helaa dhallinyaro aad u dal jecel laakiin waxaa sidoo kale jira kuwo kale oo kuwasi cagsigooda ah, waana kuwaas kuwa la doonayo in la baro waxa ay tahay dowladnimada.
Qodob muhiim ah haddaan ku sii darsado waa habboon in dowladdu uruuriso xanaaneyso dhillinyarada kala duwan ee ku dayacan hareeraha iyo daafaha magaalooyinka kala duwan ee dalka, kuwaasoo gaaraya tiro aad u badan oo haddii la jiheeyo dalka wax badan u tari lahaa.
Dowladnimadu waxay la dagaashaa wixii xun oo dhan iyo wax ka sii badan oo bulshada lagu ilaaliyo lagana ilaaliyo kuwa doonayay inay diirtaan dal iyo dad kuwaasoo aan waxba reebin una aaba yeelin saqiir iyo kabiir, waana waxa dowladnimada loo jecel yahay, dowladnimada waa tan naga horjoogta in maalinta cad leys furto ama leys dilo, waxba leysu reebi mayo haddaan dowladnimo jirin.
Ciidammada kala duwan waa halyeeyada u taagan sugitaanka amaanka dalka lamana helayo haddii dowladnimada la waayo, sidaa daraadeed ciidammada waa sal dhigga dowladnimada waana inaysan marnaba ku biirin siyaasadda waayo iyagu waa ilaaliyaha dalka iyo dadka iyo sugitaanka amaankooda, waa midka u taagan xasiloonida iyo deggenaashaha, waa ilaaliyeyaasha sharciga waa kuwii soo qaban lahaa kuwa ku xadgudba sharuucda dalka ku heshiiyo.
Dowlad waa ileys shida, waa nuur aan la qiyaasi Karin waase markii dowladdaasi tahay mid daacad ah oo aan caloosheed la ciyaar aysan noqon, waxaa ku diirsada oo ku noolaada kuna daaqsada dhammaan dad iyo duunyaba, waxayna dadkeeda ka heshaa duco iyo ammaan aan caadi ahayn.
Halkaan laguma soo koobi kari macaanka dowladnimadu leedahay ee dadow kol waliba xigsada dowladnimada, waayo waxaa laga helaa faa’iido badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin lamana helayo wax loo dhigo dowladnimada ee dadow halagu fara adeego, Caalamku waxay yaqaaniin dowladnimo ee ma yaqaanaan qabaa’illo iyo ururro ujeedkooda yahay wax dumin, taasbaana idinku adkeynayaa ee dadkeygoow ogaada dowladnimo.
WQ: Osman Dhiblaawe