Alla waa Injineer Axmed Jaamac!” “Maxaa daaray?”
“Baabuuraa dardaray, waa dhintay miskiinka!”
“Aaa!” iyadoo leh bay sariirta ka soo booddaa sidii bahal qaniinay. Markaasay intay dadkii la hurday ku kacaan ka cawdi billaystaan, iyadana qaboojiyaan.
Masaakiin Maana! Meel cidla ah baa looga kala tegay. Meeshu miyi iyo magaalo midna ma aha. Waa mugdi cabsi badan. Waa qarar qodxa ah iyo boholo isku qoofalan oo bad qarkeed ku yaal.
Qar dheer fiiqiis bay keligeed ka taagan tahay. Way caga caddahay. Afarta jaho shanqar argagixiso leh baa ka soo yeeraysa. Qarka hoostiisa masas baa is- daba maraya. Waxay rabtaa in ay cararto. Saantay qaaddo, ama dhagax baa goyn ama haadaan bay ka dhici. Masaskii baa qarkii u soo tafay. Intay argagaxday bay carar maagtay. Haadaan bay ka duushay, “Aaa!” iyadoo leh bay sariirta ka soo boodday, dadkiina ku soo kacay. Hal saac kaddib bay mar kale gama’day.
Maana iyo Axmed Jaamac waxay ku wada fadhiyaan sariirta Axmed. Haracii jacaylka ee hakirmay ubaxna hagoogtay baa la harsanayaa. Hawlihii kalgacalkaa la qaybsanayaa. Erayo qalbiga
dhalaalinayaa la isu dhiidhiibayaa. Dhunkasho jacayl ka tifqayaa la is-dhaafsanayaa. Farxad soo degtay baa loo dabbaaldegayaa. Shanqar baa soo yeertay. Oow! Nin kacsan baa dalaq soo yiri. Ob! Waa Iikar Aw-Mukhtaar! Ashidanti! Waa maxay inkaartani? Siduu u soo socday buu intuu Maana- Faay gacanta ku soo dhegay dhulka ku soo tuuray, ul uusan markii hore sidan, intuu hawada ka haabtay ku jajabiyey.
“Heykalley waaxid! Yaa ku dhahay minanka dadow imaaw? Soco hadda inta ka bax!”
“I dhaaf! I dhaaf! Ma ku rabi. Ma ku rabi!”
Axmed baa xanaaq la soo booday. Feer baa la isu dhiidhiibay. Axmed qalin jeebka ugu jiray buu la soo baxay. Qalinkii bastoolad buu noqday, Iikar shan xabbadood baa lagu tiriyey.
“Alla meydka! Alla meydka!”
Dad aan meel ay ka soo baxeen la aqoon baa soo buuqay. Laba askari oo waaweyn oo qandiyo mad- madow oo bir ah gashan, ayaa intay cirka ka soo dhaceen, Axmed intuu midba gacan ku dhegay la cararay.
“Haddii xiraysiin anigana ila xira. Ila xira. Ila xira!” iyadoo leh oo ka daba cararaysa, dadkiina ka daba
leeyihiin, “Soo joog fidmooleeyahay, edeblaayda eh, adlee nimanka isku dishaye!” ayey sariirtii ka soo boodday, hurda dambana uma noqon.
Riyadaasi waxay la noqotay wax run ah oo dhici doona. Beryahaas walwalkeedii wuu laba jibbaarmay, cuntana way ka go’day. Iikar iyo arooskiisii oo soo dhawaaday ayaa ku noqday boog danqasho-u-joog ah. Eray af laga yiraahdo ‘aroos’ bay u necbeyd, magac dhegteeda ku soo duulana ‘Iikar.’ Markii u horreysay ee ay maqashay ”Iikar baa lagugu darayaa,” waxaa ka baaba’ay kalgacaltooyadii walaalnimo ee ay u haysay.
Gidaar weyn baa ka dhex istaagay. Isaga iyo guurkuba waxay la ahaayeen culays ay ku khasban tahay, colaadse uma hayn. Laakiin, markii ay Axmed Jaamac is-barteen, jacaylka runta ahina nolosheeda soo dhex galay, Iikar wuxuu ugu muuqday Malakul- mowdkii nolosha adduunka ka af qaban lahaa. Waxay ka joogtay “Ilaahayow maxaa na wada uumay?”
Iikar isaga dhibkaasi ma hayo. Arrintuna miisaankaasba lama leh. Waa inan yar oo wax walba u arka si sahlan oo iska caadi ah. Wuxuu isku dhibaa ma jiraan. Keliya wuxuu jecel yahay inuu la socdo moodada u dambeysa, ee uu ka arko dhallinyarada da’diisa ah. Ha noqoto dhar xirashada, socodka, qaabka hadalka, waxyaalaha la isku maaweeliyo, sida muusikada, iyo dhaqanka guudba. Maalintii harqaan buu dukaanka aabbihi ku tolaa. Inkastoo uu laba sano ka hor dugsiga sare ka baxay, haddana
waxaa aabbihi kula taliyey isaga qudhiisana la habboonaatay in uu sidaas ku shaqaysto. Habeenkiina wuxuu ku soo jeedaa caweysyada muusikada laga tumo. Habeen habeenna wuxuu iska galaa filim Hindi ah, siiba habeenkii uu ballan la leeyahay gabar caweyska ka xishoota, ama soo daahidda ka cabsata