Magaalada Muqdisho Caasimada dalka Soomaaliya waa magaalo Ka soo kabaneyso colaadihii dheera ay soo martay magaalada waxay ku jirtaa dib u soo kabasho ganacsi xooggan oo ay sameenayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo qurbajoogta ayaa iyana qeyb Ka qaatay ayaga oo ganacsiyo ku dhisan hal abuurro kala duwan ku soo kordhiyey ganacsiga caasimadda ee habeenkii oo uu Ka muuqda isbadal si xowli ah ku socda.
Magaalada muqdisho waa magaalo ay ku nool yihiin ku dhawaad sadax malyan iyo bar oo shacab ah balse tira koob sax ah wali lama soo saarin waxaana iskugu yimid caasimadda dalka bulsho badan oo ka kala timid gobollada dalka, qurbaha iyo qoxooti oo dhamaantood caasimadda dalka siyaabo kala duwan ugu nool waxaana ay shacabka baaxadaas leh ay abuureen fursado badan oo ganacsi waxaana isbaddal ku yimid ganacsigii iyo kala iibsigiisa oo si aada u kordhay.
HabeenkiiĀ ganacsiga caasimadda dalka wax weyn ayey caasimadda Ka badashay waxaana ay caasimadda dalka ay ganacsiga habeenkii uu Ka dhigay caasimadaha dunida taasina waxa ay kuu muujineysaa ifafaalo wanaagsan oo marba marka kasii danbeysa oo uu dalkeena hiigsanayaan.
Sugida aminga ayaa qeyb weyn Ka qaatay in ganacsatada ay habeenkii ganacsadaan sababtoo ah dowladdu waxa ay ku dadaashay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni, xasilooni iyo dagnaan oo dhamaantood ay keenaan in shacabkii Soomaaliyeed ay bilaabaan dhaqdhaqaaq hormarineed qofkastana uu layimaado fikiradaha ganacsi ee Ka dhexguuxaayo.
Intabadan ganacsiyada habeenkii shaqeeya waxaa ugu badan goobaha ay dadka ay u soo caweesi tagaan oo ah kafateeriya, Subermarkedka, goobaha lagu gado furuudka, Cabitaanada, Cawwooyinka iyo goobo badan oo ganacsi ayaa habeenkii Ka shaqeeya caasimada dalka shacabka ayaana habeenkii qeyb qeyb u socda ayaga oo wax iibsanaaya , kuwa caweesin doonaayo, kuwa jiimka qaado iyo siyaabo kala duwan ayey bulshada Soomaaliyeed habeenkii ugu yimidaan suuqayada magaalada.
Caasimada dalka ganacsiga habeenkii wax weyn ayuu kabadalay marka loo eego muuqaal ahaan magaalada waxa ay u egtay caasimadaha kale ee adduunka taasina waa qeyb kamid hormarka ay sii talaabsaneyso caasimada dalka oo ay qeyb weyn ay Ka qaateen dowladda iyo shacabkeeda Soomaaliyeed.
WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan