Tan iyo burburkii dalkeena soomaaliya waa gabi ahaan qadka Ka baxay kaabayaashii dhaqaale ee dalkeena sida warshaddii soo saari jirtay Sokorta, Burka, Bariiska, Baastada,Caanaha, Saliidda,Dharka iyo warshado badan oo dalka lahaa ayaa burburay oo qadka Ka baxay, dhamaantood.
Waxa ay ahaayeen warshadahaas kuwo Ka shaqeeya hormarka waxaana ku tiirsanaa dhalinyaro badan oo Ka shaqeesan jirtay balse nasiib wanaag waayaha ayaa Ka hiiliyey.
Dhallinyaro badan oo dalka hormuud u noqol lahaa ayaa shaqo la’aan ay ku dhacaday qaarkood dalka waa ay Ka carareen ayaga oo nolol u raadsaday Yurubta iyo Mareekanka inta aay safarkaas ay ku jireen qaarkood waa ay ku dhamaadeen oo waxa ay ku dhinteen Badaha iyo bariga intaas oo rafaad ah waxa ay u marayaan waa uun mustaqbal ifaayo sida ay u yeelan lahaayeen.
Dalka dhalinyaradii ku hartay qaarkood midba xirfad ayuu la imaaday si xirfadaas oo ay oga saacido hormarka nololeed ee uu hiigsanaayo taasi waxa ay keentay in dhalinyaro badan oo yar yar ah ay sameestaan ganacsiyo Baalash ah oo ay uga shaqeestaan magaalooyinka dalka oo ay u adegayaan dadka u baahan in loo baalasho kabahooda.
Ka shaqeenta baalashka waa shaqooyinka ugu muhiimsan ee ganacsigeen sababtoo ganacsiga sidiisaba waa uu isku tiirsan yahay ma jiro ganacsi kaligiisa taagnaan kara balse taasi badalkeeda waa ay isku tiirsan yihiin waan ganacsi si habsami leh u shaqeenaayo oo ay dhalinyaro badan ay noloshooda iyo midda qoyskooda ay ku tiirsan tahay.
Haddaba dhallintan oo qaarkood gaadhay xilligii ay waxbarashada iyo qaar kaleba sidee loogu dhiirigelin karaa inay wax bartaan si berri ay u yeeshaan mustaqbal ka duwan key hadda ku jiraan?
Siyaabo kala duwan ayaa loogu dhiiri galin karaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee Ka shaqeesta Balaashka marka ugu horreysa waa in la fahmaa maxaa ku kalifay inuu baalashle noqdo, taasi marka la xalliyo ayaa wax laga qaban karaa, ka dibna loo soo jeedin karaa inuu wax barto laakiin nin baahan reerkiisuna baahan yihiin xataa ma heli karo buugaagta iskuulka qarashkana iskama bixin karo.
Sheeko yar ayaan la wadaagayaa dhallinta caseeyaha ah ee ka shaqeesata baalashka ama Caseeyanimada taas oo ah: Madaxweyne dal waagii uu yaraa xirfaddiisa ganacsi halka uu Ka soo bilaabay.
Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan bilowgii nolashiisa waxa uu ku soo qaatay marxalado kala duwan oo ay qaarkood ay ahaayeen kuwa adag islamarkaana ay sababtay waayaha uu ku noolaa xiligaa inta uusan xil Ka qaban waxaana waayihiisa nololeed ee ganacsi yar oo ah baalash ayuu ku bilaabay iskaga oo baalashle Ka ahaa magaalooyinka dalka Turkiga waxuu iskaga dabari jiray waxbarashadiisa iyo nolashiisa oo in muddo ah halgan ugu jiray si uun ganacsigan yar ee baalashka ah mar uun heer oga gaari lahaa
balse taasi waa ay u rumoowday waxa uu soo noqday mas’uul xilal badan Ka soo qabtay dalka turkiga sida Duq magaalo, xubin xisbi, Ra’iisal wasaare iyo hadda uu yahay Madaxweyne taasina waxa ay keentay Ka mira dhalinta riyooyinkiisa ganacsi oo heerkaas gaarsiisay.
Dhallinyarada Ka shaqeesta ganacsiga yar ee baalashka waxaan kula talinayaa yaasan la niyad jabin oo nolashu waa halgan iyo dhabar adeeg waxbarashaduna waa mustaqbalkaada berri ee inta baalashka waddo waxbarashana ha moogaanin shacabkuna waa inay ku dhiirigeliyaan siduu u shaqeysan lahaa waxna u baran lahaa dhallintaa yar yar oo laga yaabo inay noqon lahaayeen madaxdii berrito.
WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.