Madaxweyne Xasan” Xoolaha dadka ka dhaxeeya ninka xadaya sida Khawaarijta ula dagaallameynaa

Dagaalka xooggan ee lagula jiro Khawaarijta waxaa bar-bar socda dagaal kale oo aan dadka u muuqan, balse Dowladda federaalka xoogga saartay, kaas oo ah sidii ay wax uga qaban lahayd dadka dhaca hantida ummadda Soomaaliyeed.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab, ayaa caadeystay xoolaha ay leeyihiin dadka shacabka ah,kuwaas oo u bixiya magacyo kala duwan si ay u qariyaan boobkooda.

Gamacsatada ayay ka qaadaan lacago baad ah, waxayna sidoo kale ay dhac u geystaan hantida ay haystaan dadka ku nool goobaha fara ku tiriska ah ay joogaan.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xoogga saareysa sidii ay wax uga qaban lahayd dadka dhaca u geysta hantida ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladdiisu ay wax badan ka qaban doonto waxa uu ugu yeeray “tuug” iyo “tuug kalkaal”, ee ka dhex jira hay’adaha Dowladda sida uu sheegay.

” Tuug Kalkaal yaan la noqonin, tuugga waa la qabanayaayee ha qarinin,Kan shaqada joogo ee xafiiska tuuganimada ka socoto joogow, adigu haddaadan tuug ahayn sheeg, war meeshan nimaa joogee hala fiiriyo dheh shaqaa laga qabanaa,tuug wuxuu sababayaa inaan daciif ahaano,dhaqaalo yaraan,inaan iska bixin weyno qarashaadka, ciidan inaan qoran-weyno oo aan ku filnaan weyno,macallimiinta inaan mushaar siin weyno, yacni walba oo Dowlad laga rabay,”.

Dadka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu u sheegay in Shabaabka wax qarxiya iyo kan hantida ummadda dhaca uu si isku mid ah ula dagaallami doono,isagoo ka dalbaday in ay garab ku siiyaan Dowladda.

” Tuuggu Shabaab kama sokeeyo,ehel ma ahan qaraabo ma ahan, ninka tuugga lagu tuhmaayi xeerka hortiisa la geynaa sharciga wuxuu qabanaannaa la marsiinaa,”ayuu yiri madaxweynaha.

Tallaabadan uu qaaday madaxweynaha ee badbaadinta hantida dalka iyo kan ummadda Soomaaliyeed ayaa noqon kara mid guuleysta haddii shacab iyo Dowlad si wadajir ah loo wajaho, iyadoo dad badan arrintan si weyn u soo dhoweeyeen.

Share this Article