Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Taqal Cabaas oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka Wasaaradda, wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Guddoomiye xigeenka howlah guud ee Mamulka Gobolka Banadir Xasan Maxamed Jimcaale, ayaa kulan la qaatay shirkadaha bixiya adeega biyaha ee gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa waxaa looga hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen biyo-nadiif ah oo qiimo jaban. Qaar kamid ah maamuladda shirkadaha ayaa ka mahadceliyey sidda wasaaradda ay diyaar ugu tahay la shaqeynta shirkadaha iyo inay adeeg hufan helaan shacabka.
Wasiir Jaamac Taqal Cabaas oo gabagabada shirka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay in shacabka ay helaan biyo nadiif ah isla markaana ay wasaaradda Tamarta iyo Biyaha si dhaw arrinkaas ugala shaqeyn doonto shirkadaha.
Muhiimda kulankan ayaa waxa uu ahaa in la helo madal ay ku mideysan yihiin shirkadaha iyo dhamaan shirkadaha ka shaqeeyo bixinta adeegyadda biyaha gaar ahaan Ceelasha si ay dowladda ugu fududaato in ay shacabka helaan biyo nadiif ah.


