JADEECADA OO SABABTA NAFAQO DARRI IYO TAMAR DARRI

Jadeecada ayaa guud ahaan laga helay dunida goor hore wolow ay ku kala duwan yihiin xaddiga caabuqa jadeecada ay haleesho waddamada.

Xaddiga jadeecada ee qaaradda afrika ayaa saameyn ku yeelatay nafaqo darri ay haleesho ama ay la soo gudboonaato caruurta.

Iska caabinta caabuqa ama fayriska jadeecada ayaa ah mid aad u liidata oo caruurta aysan iska difaaci Karin, waana mid gaabis ah taasoo dhalisa nafaqo darri.

Fayriskani ayaa fursad u hela inuu wax yeeleeyo ciyaalka ka hor inta uusan soo ridan cudurka.

Tan kale ee afrika sabab u ah in kor ukac jadeecada ay tahay guryaha lagu nool yahay oo lagu badan yahay qoys ahaan iyo iyadoo daawo loo qaato oo aan la adeegsan.

Caruurta badan ee u uku dhaco cudurkani jadeecada waa kuwo aan la talaalin.

Galbeedka afrika ayaa ku badan caabuqa in uu weeraro caruur badan oo yar yar.

Afrika badiyaa caruurta inta aysan gaarin da’da saddexda sano ayaa jadeecada ku dhacda, marka loo eego qaaradda yurub inta badan ciyaalka ayaa laga talaalaa feyriska jadeecada inta yar ee qaaddana waa kuwo shan sano gaaray/

Bariga afrika qiyas 3% To 5% ayaa jadeecada ku dhacdaa  tani waxay ka sarreysaa afar boqol jeer xaddiga ciyaalka yurub.

Marka waxaa si dhaqso leh loogu baahan yahay in la talaalo caruurta isla markaana la kordhiyo talaalka caruurta si looga hortago feyriska jadeecada xitaa ilmaha da’dooda ka yar tahay hal sano.

Jadeecada ayaa 80% guud ahaan ku keenta caruurta astaamaha ay ka mid yihiin qandho xooggan. Af qaraar, qufac, finan oo ka soo yaaca maqaarka ama jirka iyo tabar darri.

Jadeecada waxay hoos uriddaa miisaanka caruurta taasoo ka dhaxlaan tabar darri.

Mar mar ayay ku keentaa caruurta oo ay haleesho isla markaasna ku dhacda dawo la’aan indho beel ku dhaco, waa cudur caadi ka ah dunida oo badiyaa ciyaalka lagu arko oo uu haleelo.

Soomaaliya weli waa uu ka jiraa oo waxaa lagu arkaa caruur weli la il daran jadeecada

Soomaalida ayaa adeegsata xeelad ah in caruurta loogu meeyro ama loogu qabeeyo meyraxda geedka mareerka ah oo baaldi biyo lagu qaso ka dibna inta yare la cabsiiyo looguna meyro waxaa hubaal ah saddex cisho ka dib inuu ka reysanayo cunigii jadeecada ku dhacday, waana farsamo shaqeysay oo dawo dhaqameed ah oo lagu guuleystay siiba goballada koofureed.

WQ: Ibraahim Abuukar Cali