Duufaano ka dhacay dalka Brazil oo sababay dhimashada 13 qof

Dufaano xooggan ayaa ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka Brazil taas oo sababtay dhimashada 13 qof.

Badhasaabka gobolka Rio Grande Mr do sul Eduardo ayaa war-murtiyeed uu soo saaray ku sheegay in duufaantu saamaysay in ka badan 40 magaalo,sidoo kalena ay sababtay fahataado iyo dhulka oo go’ay.sidoo kale waxa la waysan yahay geeri iyo nolol midka ay yihiin tiro gaaraysa ilaa 20 qof.

Maamulka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la samata bixiyey tiro dad gaaraya ilaa 3,700 oo qof,sidoo kale na waxa gobolka loo diray wasiiro ka tirsan xukuummadda si ay uga qayb qaataan hawlaha gurmadka.

Magaalooyinka qaar ayaa weli adeegga korontadu ka maqan yahay ka dib markii ay googo’een xarkaha qaada korontada,sidoo kale waxa hakad ku yimid duullimaadyada iyo isu socodkaka gaadiidka.