Wasiirka Waxbarashadda XFS oo gaaray Dhuusamareeb

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS MudaneĀ  Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay wehliyaan wasiirada waxbarashada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo labada maalmood ee soo aaddan uu ka dhacayo shir wadatashi ah oo ku saabsan waxbarashada dalka.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Galmudug, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.