Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliya (qeybtii 3-aad)

Qeybtan 3-aad waxaan uga hadleynaa WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII KACAANKA.

Markii Ciidamadu la wareegeen talada dalka sanadkii 1969-kii waxaa isbeddel ku dhacay nidaamkii tacliinta ee dalka maadaama mabaadi’ cusub oo dalku ku dhaqmayo lagu dhawaaqay,  Xilligaasi tallaabta uu kacaanku u qaaday dhanka tacliinta waxaan u kala qaadaynaa mid uu ku ammaanaa meelaha qaarkood halka lagu dhaliilayo meelaha qaar.

B- Dhanka Ammaanta:

1- Baahinta tirada dugiyada gobollada iyo degmooyinka dalka. Marxaladdaasi waxaa dalka oo dhan la gaarsiiyey dugsiyada, si mar qura gobollada iyo degmooyinka oo idili isula jaan qaadaan oo tacliin mideysan loo helo.

2- Qoridda afka Soomaaliga. Qoridda afka Soomaaligu wuxuu mideeyey Manhajka waxbarashada marxaladaha aasaasiga ee dalka oo dhan.

3- Waxbarashada lacag la’aanta ah.Waxbarashada xilligaasi jirtay oo ahayd mid lacag la’aan ah, waxay suuragalisay inay waxbarashada u sinnaadaan qaybaha bulshada hodanka ah iyo kuwa saboolba.

4- Soomaaliyeynta Manhajka waxbarashada ee marxaladda aasaasiga. Manhajkii waxbarasho oo la Soomaaliyeeyay wuxuu sahlay waxyaabo fara badan oo dahsoonaa iyo in la isu soo dhaweeyo kala duwanaanshihii luuqadaha waxbarashada.

5- Abuuridda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed(J.U.S).  Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (J.U.S) waxay soo saartay aqoonyahanno badan oo kala takhasusyo duwan, isla mar ahaantaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax weyn u taray.

6- La dagaallanka Jahliga. Waxaa tusaale wanaagsan u ah Ololihii Horumarinta Reer Miyiga ee lagu ciribtirayay jahliga oo uu ugu horreeyo wax qoris iyo aqrin la’aanta, taasoo ciribteeda la mahdiyey.

T-Dhanka Dhaliisha:

Dhaliil waa jirtay balse waxaa  qarinaya heerka waxbarasho oo uu dalka gaarsiiyay Maamulkii Kacaanka ahaa.

WAXBARASHADA SOOMAALIYA BURBURKA KA DIB.

Sida ay u jirtay xilliyadii hore dhaliil iyo ammaan nidaamyadii waxbarasho ee xilligaan ka horreeyey ayuu nidaamka waxbarasho ee hadda jira uu leehay dhan san iyo dhan u baahan in la saxo.

B-Dhanka Ammaanta:

1- Hey’adaha gaarka loo leeyahay oo gacanta ku hayo waxbarashada dalka.

2- Tartan wanaagsan oo u dhaxeeya hey’adaha waxbarashada gacanta ku hayo si loo helo waxbarasho tayeysan.

3- Kororka Jaamacadaha ahliga ee dalka.

4- Deeqaha waxbarashada dibadda ee ardayda Soomaaliyeed oo aad uga badan xilliyadii hore.

5- Wacyiga diiniga ee ardayda maanta oo aad uga sarreeya kuwii hore.

 

T- Dhanka Dhaliisha:

1- Burburka baahsan ee soo gaaray hey’adihii waxbarashada.

2- Maqnaanshaha kaalintii xukuumadda ee ku aaddanaa kormeerka hey’adaha waxbarashada, inkastoo ay xukuumadda hadda ka jirta dalka ay u istaagtay dib habeynta waxbarashada iyo daryeelka Macallinka Soomaaliyeed.

3- Macallimiinta tababaran oo aad u yar.

4- Kala duwanaanshaha dhinaca manaahijta dugsiyada shaqeeya.

5- Waddaniyadda iyo aqoonta bii’ada Soomaaliyeed oo aad ugu yar ardayda maanta.

La soco qeybta 4-aad