Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka 5-aad ee kalfadhiga saddexaad ee golaha shacabka BJFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 5-aad ee ajandihiisu ahaa hadal jeedinta warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka kulamadii aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS iyo akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka  Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, waxaana marka hore mooshin ku saabsan warbixin magalada Baraawe soo jeediyay 16 Xildhibaan, si loo qaboojiyo xiisada colaadeed ee ka tagaan Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed. Waxaana uu Guddoomiye sheekh Aadan Madoobe sheegay in loo saari doono guddi warbixin kasoo diyaariya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo hadal ka jeediyay fadhiga maanta ayuu kaga hadlay qodob muhiim ah oo ay ka mid yihiin in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka inta lagu guda jiro kalfadhigan 3-aad, waxaana uu sheegay in todobaadkan Gudigga Joogtada ay la shireen Ra’isul Wasaaraha XFS, iyagoo iska xog-wareystay wada-shaqeynta iyo sidii loo bilaabi lahaa kor joogteeynta iyo la xisaabtanka hay’adada dowladda, waxaana ay isla qaateen in Golaha Wasiiradda mid mid  loogu yeero lana bilaabi doono todobaadyada soo aaddan su’aalooyinna lagu weeydiin doono Golaha hortooda.

Dhanka kale fadhiga Golaha ayaa looga hadlay akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood dheer ka yeeshay xaquuqda dadka ka tirsan shaqaalaha dowladda marka ay howlgabka noqdaan.