Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka oo la kulmay madax ka tirsan FAO

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa maanta la kulmay madax ka socotay Hay’adda FAO oo uu hoggaaminayay Wakiilka ahna Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya Mudane, Etienna Peterschmitt.

kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta xariirka labada Hay’addood, wada shaqeynta, sidii xogaha arrimaha bani’aadamnimada loo wadaagi lahaa iyo ka mira dhalinta arrimaha lagu falanqeeyo cunna yarida, sugnaanta cunnada iyo sidii loo abuuri lahaa barnaamijyo lagu yareeynayo abaaraha iyo fatahaadaha soo laa-laabtay.