Danjire Cawaale Kullane oo ka qeyb galay shirka ” Madasha Hab-maamulka Caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka”,

Safiirka safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa maanta magaalada Beijing uga qeyb galay shirka “Madasha Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka.

Shirka waxaa isugu yimid, Diblomaasiyiin, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, khubaro iyo aqoonyahanno ka kala socday daafaha caalamka, waxaanna si weyn looga hadlay arrimaha xuquuqul insaanka ee caalamiga ah.

Madasha oo ay si wadajir ah u martigaliyeen Wasaaradda arrimaha dibbada ee dalka Shiinaha iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Dalkaas ayaa lagu xusay “TheVienna Declaration” baaqii Vienna, waxaana sido kale lagu lafaguray sidii loo wanaajin lahaa Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka, iyada oo halku-dhiggu yahay “Sinaanta, iskaashiga, iyo horumarka.

Intii ay madashu socotay, Danjire Kullane ayaa si fir-fircoon uga qayb qaatay furitaanka Madasha, Danjiruhu waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay in la hormariyo Hab-maamulka xuquuqul insaanka caalamiga, ayada oo la tixgelinayo sinnaan, iskaashi, iyo horumar.

Sidoo kale, qodobada kale, ee diiradda la saaray waxaa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga caalamiga ee ku aadan arrimaha xuquuqul-insaanka, iyo sidii loo sii xoojin lahaa Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, iyo wax ka qabashada caqabadaha guud ee ku aaddan xuquuqul insaanka waqtigan casriga Digitaal-ka ah .

Ka qaybgalayaashu waxay is waydaarsadeen fikrado iyo aragtiyo kala duwan, waxayna soo gudbiyeen talooyin lagu kobcinayo iskaashiga iyo horumarinta Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka.

Ugu dambeyntii, Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa Madashau ku tilmaamey in ay tahay mid curisay fursad wanaagsan oo si baahsan looga doodday sidii loo horumarin lahaa Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka, wuxuuna u mahad celiyey wasaaradda arrimaha dibbada ee dalka Shiinaha iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Dalka Shiinaha martiqaadka iyo qabashada madasha qiimaha badan.