Wasiirka Warfaafinta oo tababbar u furay xubno ka mid ah hawl-wadeenada warbaahinta Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho Tababbar uga furay xubno ka socday warbaahinta Qaranka gaar ahaan warbaahinta ka shaqaysa furimaha dagaalka.

Tababbarkan ayaa waxyaabaha diirada laguĀ  saarayaa siyaabaha waraysiyadda looga qaado xubnaha kasoo goosta khawaarijta iyo kuwa dagaalladda lagu qabto.

Sidoo kale tababbarkan ayaa socon doona mudo shan cisho ah, hawl-wadeenadda Wasaaradda Warfaafinta ayaa daddaal xooggan ka geysatay dagaalka dalka looga xoraynayo kooxaha khawaarijta.