Shir madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti

Shirka madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti.

Shir madaxeedka Meertada 14-aad ee Urur goboleedka IGAD oo sannadkan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka ayaa maanta ka furmaya dalka Jabuuti,shirkan ayaa waxa ka qayb gelaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudaan.

Sidoo kale shirkan ayaa looga hadlayaa mideynta dadaallada heer gobol ee ciribtirka argagixisada, xoojinta is dhexgalka gobolka, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.