Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Muqdisho kula shiray xubnaha guddigga joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekja Aadan Maxamed Nuur ayaa shir guddoomiyay Kulan u qabsoomay gudigga joogtada oo  looga hadlay qodobbo dhowr oo la xiriiray wax    qabadkooda.

Kulankaan oo ahaa kii 22 aad ,waxaa looga hadlay howlaha kala duwan ee horyaalla baarlamaanka iyo sidii loo dardargalin lahaa nidaamka shaqo ee la doonayo in lagu dabakho kalfadhigga sadexaad.

Hab-dhowraha Golaha Shacabka Xil Xasan Maxamed Nuux oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in guddiga joogtada ay isku raaceen in Xoogga la saaro dhameystirka iyo wax ka badalka dastuurka , La xisaabtanka iyo korjoogteynta xukuumadda iyo la socodka heshiisyada caalamiga ah ee ay galaan xukuumadda.

Kulankaasi waxaa sidoo kale lagu dhageystay warbixin ku saabsan safar uu guddoomiyaha Baarlamaanka ku tagay Salka Sacuudi Carabiya.