Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb galaya shir madaxeedka 22-aad ee COMESA

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia ayaa maanta ka qeyb-galaya shir-madaxeedka 22aad ee COMESA.

COMESA oo ah suuq ballaadhan ahna midka guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa madashiisan 22aad lagu lafa-guri doonaa is-dhexgalka dhaqaale iyo kor uqaadidda ganacsiga gobolka iyo guud ahaan qaaradda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran ee isaga iyo weftigiisu loo sameeyeen shacabka iyo dawladda Zambia.