Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ergayga cusub ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u soo magacaawday dalkeena Marwo Catriona Laing oo maanta dalka soo gaartay.

Sidoo kale soo dhaweynta waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS, ku xigeenka Wakiilka QM iyo saraakiil kale, kulan soo dhaweyn ayuu wasiirku kula qaatay qeybta VIP ee Garoonka.

Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa horaantii bishii hore May ee sanadkaan u soo magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska inay noqoto Ergeygiisa Gaarka ee u qaabilsan Soomaaliya isla markaana ah Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), iyadoo badayshay xoghayahii hore ee James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka.