TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 42-AAD)

Axmed Jaamac intuu dadkaas kadeedan is-dul taagay, ayuu u fiirsaday xiisaha la yaabka leh ee ay bur- saliidka qallalan ku jajabsanayaan, sidii iyagoo ka boobaya diqsiga ku soo qamaamaya ee ay iska yuraynayaan.

Wuxuu soo xasuustay quraacdii udgoonayd ee saaka gurigooda beylahda ku ahayd iyo carruurtoodii wiilkaan la faca ahayd ee quraacdaas macaane caynba, caynka ah baryada iyo khasabka afka loogu gurayey, iyaguna ka biya diidsanaa.

Wuxuu niyadda ka jecleystay in uu hore u soo qaado, ee dadkaan u keeno, quraacdii haraaga ahayd ee saaka adeegayaashoodu daadiyeen. Wuxuu is-yiri, labadaan iyo laba kaleba quraac iyo qado way ugu fillaan lahayd!

Intuu dhaqaaqay buu agagaarkiisa sii fiirfiiriyey. Bal isu eega meeshaan iyo meeshii aan daqiiqado ka hor kafeega ka cabaayey! Baarkii Jubba iyo xaafaddii saraha dhaadheerayd ee cagaarka badnayd ee uu ku dhex yiil.

Xaafaddaas iyo tani maxay iska og yihiin? Waa laba adduun oo la leeyahay waa hal magaalo.

Maxay iska og yihiin carshaantan daydkii ka jajabay, ee digada lo’du hor daadsan tahay iyo dhismihii muraayadaha badnaa, dhererkiisu daruuraha isku shareeray, jardiinada jannada ahi ku meersanayd, baabuurta casriga ahi

hor safnayd, waddada hillaacaysaa isku hor jiidday? Maxay iska og yihiin dadkii haybadda iyo dhaldhalaalka ka muuqdaa iyaga naf ahaantooda cajabinayey, ee baarkaas hoostiisa, halkii aan kafeega ka cabbaayey kuraasta dabacsan ku dangiigay, sharaabka qabow ku fiiqsanayey iyo kuwaan hilfaha leh ee jidka ciriiriga ahe, habaaska badan dhexdiisa, burka qallalan duqsiga ka boobayay, si ay nafta ugu ceshadaan?

Intuu madaxa gilgilay buu waddadii tabaaleysnayd hore u sii qaaday. Muuqaallo kale oo aan farax gelin buu sii dhaafay.

Meel uu maalin hore arkay buu soo gaaray. Garaashka gaboobay ee ganjeellihii iyo gidaarkii hayeyba gaarigu jebiyey markuu midigta ka qabtay, ayuu gartay in uu u dhaw yahay Mashruucii uu u socday.

Hadduu indhaha hore u taagayba waxaa u muuqday geeskii soke ee dhismihii dheeraa ee Mashruuca Sahminta Hawada. Laba daqiiqo ka dibna jaranjartii dheerayd buu cagta saaray, isagoo u sii socda Xafiiskii aabbihi oo ku yaal dabaqa afraad. Markuu dabaqa labaad la sinnaa baa waxaa ka hor yimid Ciise-Dheere oo degdegsan, faylna gacanta ku sita.

“Weey Axmed! iska warran Injineere, maanta soo dheeraatayaa!” Ciise-Dheeraa si farxad leh ugu salaamay.

“Nabad Ciise, see la ahaa?”

“Waa la wanaagsan yahay. Sow la iskama ladna beryahaan la isma arkine?”

“Ciddii ka warran Ciise?”

“Mahadsanid. Buuftaa la hayaa, aad iyo aad. Leylana waa ku soo salaamaysay, mar kasta waxay tiraahdaa Axmed haddaad aragtid igu salaan.”

“Salaamullah. Leyla waa ladan tahay sow ma aha iyo ninkii Burhaan ahaaba?”

“Nabaddooda, yarkaa mar naga hargabsaday, haddase waa iska ladan yahay. Haddee aabbana waa joogaa, malaha asagaad soo gaartaye.”

“Haah, kor buu jiraa sow ma aha?”

“Maya. Hanuunintii baa weli lagu jiraa. Maanta isagaaba khudbadda lahaa.”

“Haah. Illeyn haddaan shaqaalihii arki waayey, saaka waxay ahayd subaxdii hanuuninta!”

“Aahey. Aniga qudhaydu meeshaan jiraye, faylkan oo arrin looga baahday baa la ii soo diray. Waataan ku jiray guddiga shaqaalaha. Ina keen iska dhagayso inta laga soo baxayo, kollay dhawaan waa la soo baxayaaye.”

“Maad iga dhaaftid aan bannaankayga ku sugee, sow arrimo Hay’addiinna u gaar ah ma aha?”

“Ina keen wax qarsoodi ah ma ahee, waa iska hanuunis guude!”

Hoolkii weynaa ee shirarka irridkiisii markay soo gaareen, ayuu Axmed isku yaxyaxay, kuna sigtay inuu dib u laabto. Hase yeeshee, meel uu ka noqon karo ma joogin.

Dhawrkii boqol oo shaqaalaha ahaa, ee dhagaysanayey kudbadda Agaasimaha Guud, ayaa hal mar soo wada eegay. Aabbihi qudhiisu intuu jalleecay, buu hadalkiisii hore ka watay, sidii isagoon arag.

Wuxuu dhexda ka fadhiyey, xusulladana ku cuskanayey miis dheer oo shaqaalaha ka soo horjeeda. Hareerahana waxaa ka fadhiyey Guddiga Shaqaalaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha wixii ka joogay.