Waxaan doonaayaa maanta in aan wax yar ka tabto ama ka iraahdo qiimaha ay hooyadu leedahay, ma ahan mid wax halkaan lagu soo koobi karaayo.
Haddaba, waxa lagama maarmaan ah in aan mar kasto
is xasuusino sharafta iyo karaamada ay noo leeday hooyo macaan.
Inta aan gudaha u sii gelin nuxuurka hadalkeyga waxaan ka hormarinayaa sheekadan kooban oo xambaarsan xigmad waxayn u dhaceysa sidatan:-
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dhallinyaro badan oo shaqo doon ah leysugu yeeray waxaana loo xayaysiiyay boos shaqo waxaan halkaas soo xadiray dad dhallinyaro u badan oo shahaadoyin wata weliba qaarkood waxay wateen shahaaddooyin ay ka soo qaateen dalal ajnabi ah markii ay soo urureen ayaa waxaa loo sheegay in ay shaqada ay soo doonteen tahay mid adag waayo waa wax soo saar, sharuudaha ku xiranna ay yihiin kuwa hoos ku xusan:
1-Saacadaha shaqada waa afar iyo labaatan saac 24/7 habeen iyo maalin
2-Shaqadaaan wax nafis ah ama wax yar oo nasasho lagama yaqaanno
3-wax fasax ah malahan sannadkii oo dhan waad shaqeyneysaa
4-muddada tijaabada ah ee laguugu eegayo inaad tahay shaqaale u qalma shaqada iyo in kale waa sagaal bilood.
intaas markii loo sheegay ka dib ayaa la weydiiyay shaqadaan diyar ma
u tihiin?
Waxay ku wada jawaabeen maya maya tan macquul ma ahan intaas markii ay yiraahdeen ayaa waxa loo sheegay in shaqadaas eey wada diideen iyo wax ka dheeri ahba ay qabato hooyo taasoo ay habeen iyo maalinba ku dhex jirto cid u ogna aysan jirin.
Hooyadu ma jirto wax nafis ah oo ay leedahay meel kasta goor kasta horteeda waxaa yaalla shaqo mid guri mid caruur mid odayga guriga mid deris mid qaraabo war qorrax markay soo baxdo ilaa inta ay ka dhaceyso ilaa subaxa xiga waa taagan tahay lama gudi karo abaalkeeda warna maba jiro haddii la yiri jannadii dhammeys lugaha hooyo ayay ku jirtaa ku dhan soo maaha
Haddaba, qof walba oo naga mid ahna hooyo sidaas ayay usoo
Korisay habeenkii aan calool galnay ilaa aan ka qaan gaarnay ka dibna guursanay ka dibna caruurtii aan dhalnay nala korisay ilaa iyo heer abuulan.
Haddaba abaalkeeda ma gudi karnaa natiijadii waxay noqotay in dadakii dhallinyarada u badnaa ee shaqada rabay oo dhan inay wada ooyaan ilaa ilintoodu jilbaha dhaafto lana aamusin kari waayo mid walibana waxaa ka soo hartay Allahayoow hooyo dhowr.
Haddaba markaan u soo noqdo dulucda sheekada waa in la xushmeeyo hooyada lana siiyo qiimaha ay bulshada dhexdeeda ku leedahay waayo waxaa la yiraahdaa deen oo dhan waa la bixin karaa ilaa deenta hooyo macaan mooyee.
Sideedaba, haddaan idin xasuusiyo hooyo waa labaabka aad
dunida ka soogashay waayo wey ku dhashay, sidoo kalena waa albabka aad jinad
ku gali doonto Insha Allaaha.
Hooyadu waa lafdhabarta waxa kasta oo noole ah Gaar ahaan bini’
aadanka wax hubaal ah lafdhabrta iney tahay waxa kaliya ee aan la
aanteet la noolaan Karin, dhanka kale, waxaa muhiim ah in aan dareenno ineey hooyadu tahay qofka ugu samirka badan, dulqaadka badan uguna
xushameynat badan marka loo eego ubadkeeda wiilal iyo gabdhaba
hooyadu waa tan ilmeheeda u hibeysaay nolosheed iyo farxadeeda
oo idiil in uu ku nolaado ilmeheeda waxn ogsoonahay qiimaha iyo
qiimaha hooyo ilaahey baa qur’aankiisa kariimka ah inoogu sheegay
sidoo kalena Nabigeenna Suuban Scw ayaa inoo iftiimiyay
axaadis aad u tira badan.
marka laga hadlaayo dinta iyo xaqa hooyada xabiibkeen suuban scw ayaa waxa maalin u yimid nin wuxuun ku yiri Rasuulkii Ilaahayoow yaa dadka igu dhaw iiguna horeya isla markaana aan u wanaag falaa.
Rasuulkuna ninkii wuxuu ugu jawaabay hooyad ninkii ayaa ku celiyay yaa kale haddana hooyada ninkii ayaa celiyay yaa kale haddan hooyada, yaa kale markaas ayuu Rasuulka scw ninikii ugu jawaabay Aabaha.
Haddaba halkaas waxaan aragny xaqa eey hooyadu ku dhex leedahay diinta islaamka.
Aan ku sii socde waxaan jecleystay in aan ku dareensiiyo haddii aad hooyo macan heysato in aad heysato Jinnadii ifka oo dhan hooyo macaan wan ku jecelahy amaantaata iyo qiimahaaga ma ahan mid intaan lugu soo koobi karo waayo waxaa tahay noloshii adduunka, hooyooy xumaan iyo xanuun eebo kuma bado
xaqiraad kaahay, xafidaadda ku nooloow, dadku ku-xigaal noqoy, xaasid
eebo kadhowr, qabriga iyo xabaashana rabi meel xun kuma dhigo aamiin
WQ: Hidaayo Cabdulle Cadow