Tan iyo markii dalka Soomaaliya ay ka dhaceen dagaaladii sokeeye waxaa jiray xaalado nololeed oo la soo dersay dadka oo dhinaca nolosha iyo ammaanka ah taas oo keentay in dad fara badan ay ka qaxaan dalka iyagoo raadinaya nolol dhaanta tii ay dalka kala kulmeen xilligaas.
Dadkani duruufo kala duwan ayey la kulmeen iyadoo qaarna ay badda mareen, qaarna ay dalal kale sii jibaaxeen qaarna ay sanado ku sgnaayeen xeryo qaxooti siiba kuwa ku yaalla Kenya oo aynu derinka nahay.
Dadkan ayaa markii ay tageen qurbaha waxay bilaabeen nolol cusub oo ka duwan tii dalka ay ku yaqaaneen waxaana qaarkood soo food saaray shaqooyin adag oo aaney u baran halka kuwo kalena ay galeen dadaalo waxbarasho oo waqti dheer ku qaatay.
Mudadaas dalka Soomaaliya oo ay ka tageen wuxuu marayey marxalado marba heer taagneyd oo ay ugu badnaayeen dowlado ku meel gaar ah oo is bedelayey ilaa la suurta galiyey in dalku ka baxao marxaladii ku meel gaarka uuna dalku sameeyo xoogaa horumar ah oo dhinaca nabadda ah.
Tani waxay abuurtay rajo cusub waxaana Soomaaliya ka bilaabantay rajo dowladnimo oo keentay in ay xoogeystaan haykaladii dowladnimo uuna abuurmay jawi suura taglin kara in dalku sameyoo horumar lagu taami karo in Soomaaliya mar kale ay soo gaarto caalamkii ka tagay.
Waxaa dib loo yaqleelay rajadii mudada dheer ay qabeen dadka qurba joogga ah ee aheyd dib baa loo noqonayaa, dib ayeyna dalka ugu soo laabteen dad badan oo qurbajoog ah oo ay rajo galisay yididiilada cusub ee nabadda iyo horumarka.
Dad fara badan oo kolkii hore ka mid ahaa qurabajoogta ayaa hadda dalka dib ugu soo laabatay siiba shantii sano ee la soo dhaafay badankood waxay abaabuleen ganacsi iyagoo shaqo abuur u sameeyay dhallinyaro badan oo kolkii hore baagamuundo ku ahaa dalka
Waxaa la aaminsan yahay qurbajoogta in ay yihiin dad gacan ka geysana kara dib u dhiska dalka wax weyna beddeli kara.
Dhanka kale, “Qurbajoogtu waxay gacan ku leeyiin ganacsiga, siyaasadda iyo dib u dhiska kale ee dalka.
Qurbajoogga kaalimo waa weyn ayey ku leeyihin siyaasadda waxayna ku jiraan golayaasha kala duwan ee siyaasdda, dadka qurabajoogta ah ee dibadda ka yimid qaarkood waxay saraakiil sare ka yihiin ciidamada qaranka.
Wallow ay jiraan qaar lagu tilmaamo kuwo nolosha ka dhacay oo aan dalka waxba kusoo kordhin oo iyagiiba cel celis ah haddana boqokiiba sagaashan iyo shan way fiican yihiin 95%
In kastoo taasi jirto ayaa haddana dad kale oo dalka ku sugnaa goob joogna u ahaa wixii dalka ka dhacay waxay qabaan in qurbajoogga haatan dalka dib ugu soo laabtay ay la wareegeen fursadihii dadkii ku sugnaa gudaha dalka xilligii xasilloni la’aanta.
Dadka qaarkiis oo gudaha ku sugnaa isla markaana ahaa arday heysta shahaadada labaad ee jaamacadda ee Master ayaa qaba in dadkan qurbajoogga ah ay la wareegeen fursadihii shaqo iyo kuwii siyaasadeed ee ay heli lahaayeen
Qorrax joogta ama qolqol joogta marba sidaad u garaneysid ayaa waxay aaminsan yihiin in qofku haddii uu mar keliya tagay qurbaha ee uu sheegato wixii uu doono iyadoon cidna ku dabagalin uu helaayo jago uusan aqoonteeda laheyn, iyadoo waxa keliya ee laguu tixgalinayo ay tahay inuu qurbajoog yahay, luqad shisheeyana wax ka yaqaanno xitaa haddu garam garam ku yahay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee ma ahan wax qarsoon kaalinta ay qurbajoogtu kaga jiraan horumarka iyo isbeddelka dalka.
WQ:Osman Dhiblaawe