Xukuumadda Beijing, ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqday, in badweynta Hindiya uu ku caariyay mid ka mid ah Markiibtooda kalluumeysiga, taas oo keentay in la waayo dhammaan shaqaalahii saarnaa oo gaarayay 39 ruux.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ayaa amray in la billaabo howl-gal baaritaan ah oo lagu baadi goobaya Shaqaalahii markabkan, ku waasi oo isugu jiray 17 Shiinees ah, 17 Indonesia ah iyo 5 ruux oo Filibiin u dhashay, sida lagu sheegay warbixinta.