Soomaalia waxaa lagu leeyahay deen tiro beel ah waxaana lagu yeeshay xiliyo kala duwan xiligii dowladdii kacaanka ka hor iyo dibba, xilligii kacaanka oo deemo tira beel ah la soo qaaday deentaas oo la sheegay in kaabayaasha dhaqaale ee dalka wax ka badal loogu sameenaayo ilaah baana og xilliyadaasi siday wax u dhaceen.
Dalka waxaa ka socda mashruuca deen cafinta oo soo bilowday sanadkii 2012 ilaa iyo maanta oo aan ku jirno sanadka 2023 waxaa socda deen cafinta waxaana uu marayaa meel gaba gabo waxaana la filayaa isla sanadkan gudihiisa uu soo dhamaado.
Haddaba deen cafinta soomaaliya laga cafinaayo waxa ay soo martay heerar kala duwan oo mararka qaarkood ayba u muuqatay kuwa adag balse ay dowladda ka soo gudubtay, maanta waxa ay joogtaa heer gabo gabo ah waxaana dowladda lagu xujeeyey sharuudihii u danbeeyey ee fududaa.
Dowladda ayaa sharuud looga dhigay in deen cafinta la soo gabaganeeyo in ay la timaado qorshayaal cad cad ah oo dhanka kaabayaasha dhaqaale ee dalka, isku tiirsanaasho dhanka dhaqaalaha iyo mareenta dhaqaalaha soo xarooda islamarkaana meelihii loogu talagalay in ay si sax ah ugu baxaan.
Dowladdu waxa ay qaaday talaabooyin dhanka dhaqaalaha horumarinta ah waxaan ay dib u habeyn ku sameysay canshuuraha dalka gaar ahaan dekadda oo inta badan alaabaha ay ka soo dagaan waxaana ay dowladdu sameysay canshuur kordhin oo aan ku jirin raashinka qutul daruuriga ah balse inta kale ay canshuurta u kordhisay arrintaa dowladdu waxa ay ogagolleedahay dib u habeynta dhaqaale ee dalka iyo isku filnaasho dhaqaale.
Hay’adaha caalamiga ah, deeq bixiyayaasha iyo waddamada deeqaha ku taageera soomaaliya ayaa dowladda ku dhiira galiya isku filnaasho dhaqaale maadama deen cafinta ay mareyso meel gabo gabo ah laguna wado in sanadkaan la soo gabagabeeyo loona baahan yahay in dowladdu ay horumariso kaabayaasheeda dhaqaale dalka islamarkaana dhaqaalaha uu ku yimaado kobac xooggan.
Canshuurta kordhinteeda faa’iido weyn ayaa dalka ugu jirta sababtoo ah dalka malahan ila dhaqaale kale , masoo saaro shidaal, alaab masoo saaro balse taasi badalkeeda dibadda ayaan wax walba ka keensanaa balse si taas loo baddalo dowladdu waxa ay u baahan tahay dhaqaale, dhaqaaluhuna wuxuu ku yimaadaa canshuur, canshuurtana waa la kordhin karaa si ay dowladdu ay u sameyso kaabayaal dhaqaale oo kala duwan.
Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed yeysan culees u arkin kordhinta canshuuraha sababtuna waxa ay tahay waa in sharuudo ay ka mid yihiin dowladdu la timaado dhaqaalo oo isku filnaasho ah taasi ayaa keentay in dowladdu ay canshuur yar ku dartay alaabaha ka soo daga dekadda marka laga reebo Raashin qutul daruuriga ah.
WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan