”ummad kasta waxay leedahay amiin, ummaddan amiinkeedu waa abuu cubeyda”
Wuxuu lahaa weji furan oo qurxoon, joog iyo jamaal loo dhammeystiray. Ma uusan lahayn hilib sidaa u sii weyn, dherer iyo fudeyd xagga jirka ah ayaa intaas u sii dheereyd. Way ku il-qabowsanaysay isha eegaysa xaggiisa, wehel iyo xasilooni ayuu ka helayay qofka agtiisa jooga.
Dhinaca kale, waxaa kaloo intaas u sii dheereyd, isagoo ku tilmaanaa jilicsanaan uu u hayo walaalihiisa islaamka iyo xishood daran. Hase ahaatee, hadduu arrinku dhinaca kale isu beddelo wuxuu noqonayay qof la tamaasha duruufta markaas uu ku jiro.
Saxaabiga aan ka hadlayno waa saxaabigii lagu ammaanay dhowrista ammaanada, loona bixiyay amiinka Ummadda Nebi Muxammad (scw), waa saxaabigii isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay inuu geli doono Jannada, waa saxaabiga lagu magacaabo Caamir Binu Cabdillaahi Binu Al-Jarraax, Ilaah ha ka raalli noqdee, kana dhashay qureysh, kunyadiisuna ay tahay Abuu Cubeyda.
Muxuu Cabdullaahi Binu Cumar ka yiri Abuu Cubeyda
Cabdullaahi Binu Cumar Ilaah ha raalli noqdee ayaa isagoo sifeenaya oo tilmaamaya Abuu Cubeyda wuxuu yiri “saddex qof oo ka soo jeeda qabiilka qureysh waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban xagga akhlaaqda, xagga xishoodkana ugu sugnaan badan, haddey kuu sheekeeyaan lagama yaabo inay been kuu sheegaan, haddaad u sheekeesana kuma beensadaan, waxayna kala yihiin Abuubakar Assiddiiq, Cusmaan Binu Caffaan iyo Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax”.
Wuxuu Abuu Cubeyda Allaha ka raalli noqdee ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee soo gala diinta islaamka. Maalintii labaad ee uu Abuubakar soo islaamay ayuu Abuu Cubeyda isna soo islaamay, waxaana inuu soo islaamo sabab u ahaa isla Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee.
Abuubakar wuxuu Abuu Cubeyda, Cabdiraxmaan Binu Cawf, Cusmaan Binu Madcuun iyo Al-Arqam Binu Al-Arqam u soo waday Rasuulka (scw), sidiina ayeeyna shahaadada towxiidka ugu hor qireen Rasuulka (scw), waxayna maalintaas wixii ka danbeeyay noqdeen saldhigyadii ugu horeeyay ee lagu taagay diintii islaamka ee sarreesay.
Imtixaanadii la mariyay Abuu Cubeyda
Allaha ka raalli noqdee wuxuu Abuu Cubeyda billowgii diinta islaamka la kulmay tijaabooyinkii cuslaa ee qaraaraa, isagoo jooga magaallada Makka, wuxuuna imtixaankaas ku jiray laga soo billaabo biloowgeeda ilaa dhammaadka. Wuxuu Abuu Cubeyda la qaybsaday dhibaatooyinkii waaweynaa ee soo gaaray muslimiinta, isagoo muujiyayna sugnaansho iyo adeysi weyn, wuxuuna si dhab ahaan u rumeeyay Eebbe (sw) iyo Rasuulkiisa (scw) mowqif kasta.
Hase ahaatee, imtixaanadii iyo tijaabooyinkii la mariyay Abuu Cubeyda maalintii dagaalka Badar wuxuu dhaafay dhammaan dadka wax xisaabiya xisaabtankooda, sidoo kale wuxuu dhaafay dadka wax mala-awaala mala-awaalkooda.
Wuxuu Abuu Cubeyda maalintii Badr dhex jeexay safafkii gaallada sida qof aan ka cabsi qabin geeri ama dhimmasho, jeer ay ka cabsadeen gaalladii. Waxaa xaggiisa soo aadi waayay fardoollaydii dagaalyahaniinta ahaa, iyagoo markasta ka fogaada dhinaca uu ka dagaalamayay Abuu Cubeyda. Hase ahaatee, waxaa jiray nin isagu u soo banbaxay dhinacii Abuu Cubeyda, isagoo meeshuu aado-ba daba-gala.
Wuxuu Abuu Cubeyda ahaa kii ka fogaada waddadii uu ka imaanayay ninkaas, isagoo ka fogaanaya la kulankiisa iyo inuu ku soo aado dagaalka. Weerarkii uu waday ninkii ayaa sii ballaartay, Abuu Cubeyda dhinaciisana wuxuu badiyay fogaanshaha, jeer markii danbe Abuu Cubeyda laga soo xiray dhammaan waddooyinkii uu mari lahaa, isagoo ka hor istaagayna la dagaalankii cadoowgii Alle.
Ficilkiisa awgeed waxaa ku soo degtay aayad qur’aan
WD: Ibraahim Warsame