Maalmihii ugu dambeeyay waxaa la hadal hayay oo farta lagu fiiqayay musuq maasuqa iyo dhibaatada uu ku hayo dalka ka dib markii la arkay in ay tahay arrintaas boog meel xun kaga taalla dalka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee musuq iyo maasuq iyo wax isdaba marinta waa waxa halkaa na dhigay ee indhahaa inoo yeelay, iyadoo aan marna laga fikiri jirin wax daah-furnaan maaliyadeed ah.
Mahadi haka gaadhee haatan waxaa indhaha saaray oo arkay in aanay jirin meel noo fiyow, madaxdii qaranka oo ogaaday in haddii xaalku sidaan si ahaado inaan melena.
Kullankii Wasiirrada XFS ee ka dhacay muqdisho ayaa lagu jeex jeexay dhibaatada musuqa iyo wax isdaba marinta iyo daah furnaan la’aanta ku dhex jirta maamulka dowladda.
Madaxda waxay go’aan adag iyo qaraar dhaxal gal ahba ka soo saareen shirkooda isla markaana iyagoo meel-mariyey Qaraarka Adkaynta iyo Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka.
Qaraarkaas oo ka kooban 8 qodob ayaa waxuu u qornaa sidatan soo socota:-
Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyey Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoominayey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.
Shirka ayaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.
Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.
Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Heshiis Is-afgarad dhinacyada Caafimaadka iyo Shaqo Abuurka oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Madaxweynaha JFS ayaa isagana taageeray qaraarkaas ay golaha wasiirradu soo saareen wuxuuna noqon doonaa mid dhaxal gal ah oo waara.
Dhanka kale, Wasiirka Caddaaladda XFS ayaa meel adag iska taagay arrinta musuqa maasuqa kuna tilmaamay inuu yahay cadowga ummadda wuxuuna yiri wasiirku “Musuq-maasuqa waxaan u aragnaa in uu yahay Cadowga umadda” sidoo kale wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in musuqmaasuga uu yahay caqabadda ugu weyn ee horseedi kara burburka ku yimaada horumarka dadka iyo dalka.
“Qofna laguma dulminayo in uu yahay Sarkaal Hoose Qofnna kuma Baxsanayo in uu yahay Sarkaal Sare Marka howshu joogto Musuq maasuq” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka XFS Mudane Xasan Macallin ayaa xusay in musuq maasuqa ay u arkaan caqabad dhaqaale oo wiiqi kara horumarka dadka iyo dalka, sidaa daraadeed, waxaa naga go’an ayuu yiri in aan la dagaalanno.
Haddaba, arrintan ayaa waxay cadeyneysaa in la soo gaaray waqtigii la oogi lahaa xisaabi xil maleh haddaan la xumeynin waa xilligii daah-furnaanta iyo hufnaanta maareynta maaliyadda dalka isla xisaabtanka iyo dabagalka.
Waa loo baahnaa weliba kol hore ayay ahayd in sidaan oo kale ay dhacdo balse waa ilaah mahaddii hadday maanta garteen madaxdeenna.
Dalkana waxaa loo rajenayaa in dhaqaalihiisa durba kobco dunidana la jaan qaado, ayna arkaan sida soomaaliya ay u hanaqaaday.
Arrintani waxay gacan buuxda ka geysan kartaa deen cafinta waxayna suurta gelin doontaa in dunida na aaminto Inshaa Allaah.
WQ: Osman Dhiblaawe