Soomaalidu waxay soo martay waddo aad dheer waxaana ugu horreyey dagaalkii gobanimadoonka ee SYL, halgankaasi gobannimadoonka ah waxaa Ku baxay naf iyo maal oo waxa u geeriyooday geesiyaal badan oo soomaali ah oo rag iyo haweenba leh, ka dibna waa laga xoroobay oo waxaa la qaatay calanka shanta gees leh waxaana ku midoobay gobolladii uu talyaannigu xukumayey iyo kuwii waqooyiga oo ingiriisku gumeysan jiray.
Intaa ka dib soomaaliya waxay yeelatay dowlad, baarlamaani ah oo u dhisan qaab awood qeybsi ah, muddo ka dibna baarlamaankaas waxaa in khilaab ahaan uga faa,iideystay saraakiishii millateriga oo kula wareegatay xoog inkhilaab aan dhiig ku daadan waxayna soo xukumayeen muddo gaareysa labaatan sano iyo weliba bilo sannad ka yar.
Haddaba, dowladdaas markii ay burburtay waxaa dalka ka dhacay boob iyo dagaallo aan loo meel deyin, muddo markii lagu jiray burbur iyo kala dambeyn la aan oo qof waliba uu sharciga gacantiisa ku qaatay oo aanaa kaa xoog badan io aan tun roon leysku muquunin waayay ayay dantu ka badin wayday in bal dib leysugu noqdo oo xaalka wax laga beddelo ka dib markii laga ogaaday in aysan jirin cid xoog lagu muquunin karo ayaa waxaa la aabaabulay shirar dhowr ah oo lagu raadinayo dib u heshiisiin waxaana ugu horreeyay shirkii loo fariistay waddanka jabuuti gaar ahaan magaalada carta ee dalka jabuuti, halkaas waxaa lagu gaaray heshiis waxaana lagu soo dhisay dowlad ku meel gaar ah oo ku dhaqmeysa nidaamka 4,5.
Waxaa madax weyne ka ahaa dowladdaasi mudane Madaxweyne Cabdi qaasin salaad xasan ka dibna waxaa biloowday oo halkaasi ka tifqaaday nidaam dowladnimo kumeel gaar ah wallow ay la kulantay carqalado dhowr ah haddana halkaasi waxaa ka billowday xereg isku dhuubka shaqeynaya ilaa manta waana guul aan la iloobi Karin.
Maanta soomaaliya waxay heysataa dowlad aan ku meel gaar ahayn ka dib markii ay adkeysay nidaamkaas wanaagsan ee talo isku dhiibka iyo xukun isku wareejinta Ah , dowladdaasna waxaa maanta madaxweyne ka ah mudane xasan sheikh Maxamuud, waana madaxweynahii ugu horreyey ee xukun laba jeer ku soo laabta inta la og yahay dalka soomaliya.
Iminka iyo haatanna dalka wuxuu ku socdaa dariiqii saxda ahaa iyo horumarka.
Dowladdaan waa dowladda keliya ee u heelan in ay dadka wax u qabato iyadoona kaalinta kowaad ka dhigtay in dalka cadowga la tirtiro ka dibna dadweynaha harraadan loo soo saaro kheyraadkooda si ay ula jaan qaadaan adduunka una noqdaan barwaaqa sooran loo soo shaqo tago.
Maasha Allaah haatan dalka wuu korayaa wuxuuna tiigsanayaa ayaama tegay waxaadna ku farxeysaa markaad aragto dhismayaasha casriga ah, dayactirka laamiyada, bilicda muqdisho habeenba habeenka ka dambeeya way sii nuureysaa oo sii ifiysaa aanagana waxaa leenahay ilaahow il cadow ka haay, dadweynaha og wixii la soo maray waxaan ku boorineynaa in ay dowladda garab istaagaan, bixiyaan canshuuraha muujiyaanna garab istaag aan caadi ahayn waxaana ummadda soomaaliyeed u rajenaynaa sannad walba horumar guul iyo barwaaqo daa’inta.
WQ: Abwaan Gabayre