NISA oo fashilisay shabakad ka tirsan Khawaarijta oo doonaysay inay weeraro qorsheysan fuliyaan

Ciidanka Hay’adda NISA ayaa 6-dii Bishan May fashiliyay shabakad ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Ciidammada ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

NISA ayaa la socotay dhaq haaqa Khawaarijta ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay khawaarijta damacsanaayeen.

Weerarka la fashiliyay ayay doonayeen Khawaarijtu inay ku waxyeeleeyaan dadka Soomaaliyeed ee u soo nasiinada taga goobtaas, kuna burburiyaan ganacsiga goobtaas taas oo muujinaysa cadowtooyada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Amniga Caasimadda ayaa ku guulaystay in ay hoos u dhigaan falalkii cadowga Khawaarijta ah ay ku dhibaateyn jireen shacabka magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee har iyo habeenba u taagan inay la shaqeeyaan ciidammada ammaanka ee u heelan inay ilaaliyaan nafta, maalka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an dowladda inay sii laban laabto dadaalada lagu cirib tirayo Khawaarijta iyo ficiladooda.