NISA oo gacanta ku dhigtay xubin katirsan khawaarijta

Dhagarqabe ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab oo doonayey in uu si dhuumaalaysi ah ugu Safro magaalada Gaalkacyo oo uu doonayay in falal amni darro uu kasoo fuliyo ayey ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonku ku qabteen Magaalada baydhabo.

Ninkan ka tirsan khawaarijta oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdullaahi Jaamac oo gudaha argagixisada looga yaqaanay Fahad ayaa sheegay in Aabihiis uu ku tashkiiliyay ku biirista khawaarijta, isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu tababar kusoo qaatay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Wuxuu uu sidoo kale sheegay markii lagu qabanayay garoonka diyaaradaha Baydhabo in madaxda ka sarreysa ay ku amreen in uu tago magaalada Gaalkacyo oo uu ku dhashay si uu falal amni darro ka geysto.

Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ninkaan ay xogtiisa hayeen mudana ay ku raadjoogeen, isla markaana hataan ay ku wareejin doonaan hay’adaha garsoorka dalka.