Barayaasha soomaaliyeed ee dhallinyarada ah ama kulliyadda wax barashada ka soo bixin, tababar feecan oo wax-gista la xadhiidhana aan soo qaadan ee dugsiyada hoose dhexe iyo sare ka howl-gala, hibada wax gudbinta iyo ka dhaacintana leh ayay qormadani si gaar ah wax ugu iftiiminaysaa.
Waxayna ku hagaysaa hannaanka wax-gista toolmoon iyo u diyaar-garowga howsha maalinlahaa ee macallinka, waxayna barayaasha da’yar ah ee shaqada ku cusub u tilmaamaysaa hab-raacyo haddii uu maro guul u horseedi doona.
Ugu horreyn intaanan u galin dulucda qormada oo ah “sida cashar loo qorshaysto” waxaan kula wadaagayaa faa’iidada ay leedahay diyaarinta qorshaynta casharku:
1) waxay baraha ka caawisaa fahmidda ujeedadda casharka iyo hadafka laga leeyahay ee la rabo in ardayda laga dhaadhiciyo.
2) waxay macallinka u fududaysaa xakamaynta fasalka iyo xiiso-gelinta ardayda.
3) baruhu intaanu fasalka soo gelin ayuu sii ogaadaa sida ugu habboon ee uu casharka u sharrixi doono.
4) baraha casharka soo diyaarsaday waa mid isku kalsoon oo dhiirran.
5) diyaarinta casharku waxay macallinka u sahashaa maareynta waqtiga.
6) baraha casharka soo diyaarsaday asagoo firfircoon ayuu xiisadda galaa, halka macalinka aan wax soo diyaarsani uu si caga-jiid ah xiisadda ku galo.
7) baraha casharku u diyaarsanyahay asagoo ku sii jiridda fasalka sii raba ayay xiisadda ka dhammaataa.
8) macalinka casharku u diyaarsanyahay wuxuu si aan hafasho lahayn uga jawaabi karaa weydiimaha kediska ah ee ardayda weydiiyaan.
9) wuxuu samayn karaa hor-dhac feecan oo ardayda dareenkooda soo jiita.
10) wuxuu sii diyaarsadaa waxyaabaha casharka la xadhiidha oo loo baahanyahay in ardayda si baraatiko ah loo tuso.
SIDEE LOO QORSHEEYAA CASHARKA?.
Qorshaynta casharku waxay u kala baxdaa 3 heer oo kala ah:
1) qorshe sanadle (scheme of worko)
2) Qorshe Todobaadle ah.
3) Qorshe maalinle ah.
-) QORSHE SANADLE AH.
Intaanu iskuulku furmin oo bilaha fasaxa lagu jiro ayuu macallinku sii qorsheystaa dhammaan casharradii uu 36-todobaad ee sanad-dugsiyeedka bixin lahaa, wuxuu isku jaan-gooyaa inta bog oo uu buuggu ka koobanyahay iyo todobaadyada uu haysto.
Tusaale haddii uu buuggu 200 oo page ka koobanyahay wuxuu u qeybinayaa 36-ta todobaad ee sanad-dugsiyeedka: 36/200=0.18 weeks.
-) QORSHE TODOBAADLE AH.
markii laysku qeybiyo tirada bogagga buugga iyo todobaadyada uu sanad-dugsiyeedku ka koobanyahay waxa ka soo baxa ayaa lagu dhifanayaa cutub/chapter waliba inta bog oo uu ka koobanyahay.
Tusaale bogagga buuggu waa: 200 page
Sanad-dugsiyeedkuna waa: 36 todobaadle.
Cutubka 1-aad/chapter one: 27 page
Isku qeybi: 36/200= 0.18
27×0.18: 4.86 weeks
Sida natiijada ka muuqata haddii xisaabta jajabka laga saaro chapter haddii uu 27 yahay , 4 todobaad ayuu macalinku ku dhammayn karaa.
QORSHE MAALINLE AH.
Macalinku markuu ogaado cutub walba ama chapter kasta inta todobaad oo uu ku dhammayn karo, wuxuu todobaadyada u sii kala qeybinayaa maalmaha uu haysto.
Tusaale: haddii ay u soo baxdo inuu chapter 1 ama cutubka 1-aad oo ka kooban 27 ku dhammayn karto 4 todobaad, wuxuu xisaabinaysaa todobaad walba inta maalmood oo uu xiisadda leedahay, ka dibna tirada guud ee maalmaha 4 todobaadyada ayuu u qeybinayaa 27-ta page ee uu chapter-ku ka koobanyahay.
Waxaan filayaa inay barayaasha soomaaliyeed qormadan wax badan ka korsan doonaan, intii hore u taqaanayna ay xusuusin u noqan doonto oo ay ku dhaqmi doonaan.
Abwaan Hareeri