Wafdi ka socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka hirshabeelle oo gaaray beledweyne

ILAYSKA DALKA:-Wafdi isugu jiro wasiiro , xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo kala duwan ayaa gaaray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wafdigaan ayaa halkaas u gaaray in ay ka qeyb qaataan dadaalo lagu dhax dhaxaadinayo beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano hoos yimaado magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Masuuliyiin ka socoto Dowlada Goboleedka Hirshabeelle oo uu horkacyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.