Hooyo iyo Haweenka

Ina Aadame oo dhan wuxuu ka soo farcamey Aadan iyo Xaawo oo Qur’aanka Kariimka ahi caddeeyey sida lagu abuurey labadooda (Aadam oo carro laga abuurey iyo Xaawo oo jirkiisa laga abuurey.

Marka laga reebo Xaawo iyo Aadam oo siyaabo khaas ah Allaah u abuurey, Aadamaha oo dhan waxaa lagu dhex beerey (abuurey), lagu dhisey, lagu nafeeyey uurka hooyada ( Haweenka), waxayna qaadatey muddo bilooyin ah oo la marsiiyey marxalado kala duwan.

Kutubtii kala duweyneyd ee Alle weyne soo dejiyey oo dhan waxay xuseen muhiimadda u wanaag falka waalidka leeyahey, waxaana si gaar ah ugu dheeraadey, siyaabo kala duwanna uga hadley Quraanka Kariimka oo ah Kutubtii Alle soo dejiyey kii ugu danbeeyey, waxaa sidoo kale siyaabo balballaaran uga hadley Nabigeen CS.

U baari noqoshada waalidka waxaa la gaarsiiyey in ay tahey cibaado waajib ah, nusuusta qaar ayaa muujinaya in cibaadada Alle waxa ku xiga ay tahey u wanaag falka iyo u baari noqoshada waalidka, sida ku cad Aayadda (Alle Caabuda, waalidkana u ixsaan fala). Kitaabka Quraanka ah iyo Sunnaha Nabiga ayaa lagu muujiyey qisooyin iyo dhacdooyin la xariira wanaaga u baari noqoshada waalidka iyo khasaaraha ku-caasinta waalidka. Xadiiskii Nabiga CS ayaa ahaa (Raali ahaanshiyaha Alle waxay kujirtaa raali ahaanshiyaha waalidka, Carada Allana waxay ku jirtaa Carada waalidka).

Labada waalid ( Hooyo iyo Aabe) iyaga oo la farey u baari noqoshadooda iyo u wanaag falkooda, haddana waxay nusuus badan caddeynayaan in u baari noqoshada iyo u wanaag falka hooyadu ka fadli badan tahey tan Aabaha sida ku cad xadiiska Nabiga CS markii nin saxaabi ah weydiiyey nabiga CS, yaa u mudan wanaagga saaxiibtinimadeyda (U baari noqoshada, u wanaag falka, la jirka) 4jeer, Markaas ayuu nabigu CS ku jawaabey (Hooyadaa 3 jeer, markii 4aad Aabahaa).

Xadiis kale oo laga wariyey nabiga CS mar uu ka hadley u baari noqoshada Hooyo laguna tilmaamey xadiis saxiix ah ayaa muujinaya in uu yiri; (Jannadu waxay ku jirtaa cagta hooyooyinkiina hoosteeda).

Fadliga u baari noqoshada Hooyo waxaa caddeynayaa nusuus badan oo quraan iyo axaadiis isugu jira. Waxaa muhiim ah inaad is weydiiso sababta Hooyadu uga horeeyso Aabaha dhinaca u baari noqoshada?

Hooyo Madiina Maxamed Nuur (AHN) waa hooyadey oo ilaaha uurkeeda igu abuurey, waxay aheyd tiirka asaaska u ah nolosheyda, mustaqbalkeyga iyo wax kasta oo hormar ah oo aan sameeyey.

Inta garaadkeygu fahmi karo hareeraha nolosheyda wuxuu dalku kujirey burbur iyo amni daro, mudadaas inteeda badan waxaan ku tiirsanaa Hooyadey dhinackasta (Talo, tigaad, turmo, taageero, iyo tacliimba), waxayna ii aheyd dowlad i daryeesha, booliis i ilaaliya, Iskuul aan wax ku barto, guri aan ku hoydo, filim aan daawado.

Hooyo Madiina oo aan ahaa yaaraankeeda oo  nasiib aan u yeelan inuu arko aabihiisa,  xasuusteyda waxay ku reebtey waxyaabo waaweyn oo aanan hilmaami doonin;

1) Caloosha ayey ii buuxineysey iyada oo gaajeysan ayna ka muuqanayaan calaamadaha gaajada;

2) Waxay ila jecleyd inaan nolosha ugu fiican ku noolaado adduunka;Marka qalalaase dhaco ama dagaal billaawdo, qof kastana naftiisa la cararo, waxay isku soo qaadi jirtey (u soo carari jirtey) meesha ay igu ogeyd ama igu maleyneyso xittaa haddii ay tahey barta dhibaatadu ka socoto oo nafteeda ayey biimo gelin jirtey si ay aniga ii badbaadiso;

3) Dareenkeyga ayey aqrin jirtey waxayna garan jirtey waxa igu jira ee aanan afka ka sheegin, waxaana heli jirey waxkasta oo aan u baahdo aniga oo aanan weydiin;

4) Magac kasta oo qurxoon ayey ila jecleyd, waxaana tiro dhaafey magacyada hooyadeey ay ii bixisey oo midba midka kale ka qurxoon yahey;

5) Waxay iiga sheekeyn jirtey sheekooyin iyo dhacdooyin ay ku jiraan casharo nolosheyda muhiim u ahaa, iyada oo ujeedadeedu tahey in ay ii diyaariso mustaqbalka;

6) Si dhab ah waxay iila jecleyd inaan adduun iyo aakhiraba dadka ugu fiicnaado, wayna ii muujin jirtey;

7) Hurdo kama soo dhici jirin aniga oo soo jeeda;

8) Haddii aan xanuunsado ama dhib i gaaro, waxay dhibsan jirtey nolosha, waxaana daawan jirey ilinteeda;

9) Goobta aan ku suganahey waxay la jeclaan jirtey nabad iyo hormar xittaa haddii aan joogo dal kale ama iyadu joogto goob gubaneysa oo dhibaato ka jirto;

10) Waxay iga qarin jirtey oo marnaba aanan ogaan jirin murugada nafteeda, waxay jecleyd inaanan murugo iyo wax i dhib ah aanan waligey arag maqalna;

11) Waxay farxad la ilmeyn jirtey markaan wax yar oo hormar ah sameeyo.

Taariikhda Soomaalida waxay raggu yareysan jireen ama yasi jireen dumarka, waxaana la daahi jirey qiimaha iyo waxqabadkooda. Ninka gabari u dhalato waxaa laga dareemi jirey murugo iyo ka xumaasho, wuxuuna ka guban jirey qalbiga, inkasta oo ay aheyd dhaqan umadihii hore lagu yaqaaney, haddana dadka qaar ayaa u sababeeya duruufaha noloshooda ku xeeran,

colaadaha iyo ilaalinta isirka. Nabi Muuse CS oo ka soo cararey qowmkii Fircown ayaa kula kulmey 2 gabdhood oo xoolahooda iyo aroorkooda ku celinaya bannaanka Ceel biyood ay cabayaan rag badan, wuxuuna weydiiyey sababta, gabdhihii ayaa ku jawaabey ma cabi karno ilaa raggu ka dhameystaan waraabkooda, aabaheena waa nin gabow ah (Waayeel da’a ahaan) oo aan Ceelka shubi karin.

Nabi Muuse CS ayaa u waraabeyey gadhihii xoolihii ay wateen iyo dhammaan aroorkoodii, wuxuuna gadaal ka ogaadey in labada gabdhood uu dhaley Nabi Shuceyb CS oo sheyb ahaa.

Colaadaha iyo duruufaha adag ee miyiga ayaa saameyn ku lahaa Soomaalida. Sidaas oo xaalku ahaa, haddana dumarka Soomaaliyeed waxay asaas u ahaayeen nolosha qoyska, waxay ahaayeen jaamacadda diyaarisa soona saarta geesiga iyo halyeyga, waxay ahaayeen hal abuureyaasha nolosha, waxay ahaayeen maamuleyaasha qoyska, waxay ahaayeen dhiirageliyeyaasha ragga.

Burburkii iyo colaadihii dalka ka dhacey ayaa runta daaha ka qaadey, waxaana sida dharaartii u caddaadey oo qofna dabool saari waayey qiimaha iyo waxqabadka haweenka. Marka raggu colaadda aadey ama naftooda la maateen, dumarka ayaa garbaha ku qaatey masuuliyadda nolosha qoyska iyo caruurta, waxayna naftooda u hureen si aan noloshu u burburin haddii qarankii burburey. Waxay buuxiyeen kaalin kasta oo raggu banneeyey ama dayacey, waxayna abuureen rajo, halka raggu u leexdeen isdil, isku xadgudub, baabi’inta rajada iyo fadhi ku dirir.

Colaadihii dhacey waxay sababeen barakac gudaha ah iyo qax bannaanka looga baxay dalka. Rag iyo dumar badan ayaa dalka ka baxay colaadihii dhacey awood, markaas ayey raggu si fiican u garteen qiimaha gabadha. Waxay rajjo u abuureen dal burburey, dad dayacmey, caruur dayowdey, waalid daaley, waxayna isku qaateen labadii waajib ee ragga iyo dumarka. Intaas kuma harin ee waxay qeyb ka noqdeen nabadeynta iyo dhismaha dowladnimada mar kale.

Tusaale, gabadha iyo wiilka isla dhashey ee goob ka wada shaqeeya, mushaarkooduna isku mid yahey, qoyskoodu si isku mid ah ma uga wada faa’iidaan?

 

Xaqiiqooyinka la hayo oo qaarkood aan anigu marqaati ka ahey, waxay muujinayaan in mushaarka gabdhu wada gaaro qoyska, halka kan wiilku badankiisu ku baxo isticmaalkiisa,

hadda ogoow wiilkaasi waa iskaabulo! Aniga oo isbarbar dhig ku sameynaya amaanada Ragga iyo Dumarka, ayaan aqriyey, qaarna dhageystey 100 dhacdo oo la xariirta amaano darro ka dhacdey Soomaaliya, waxaana 95% ku lug yeeshey ragga, halka dumarkuna ku lug yeesheen 5%, waana xaqiiqo caddeymo leh. Dhacdooyinka amaano darada ah ee dumarku ku lug yeeshey marka hoos loo sii baaro, waxaa kusoo baxaya in weli raggu ku lug leeyahey ama sababey si dadban.

Dhacdooyinka waxaa ka mid ahaa hooyo caruurteeda lagu dayacey oo gaajada caruurta awgeed amaano darro sameysey. Waxaa kale oo ka mid ahaa dhacdooyinkaan qof dumar ah oo uur been abuur ah sameysey, kadibna ilmo soo xaddey iyada oo qancineysa ninkeeda oo ku eedeeyey dhalmo la’aan!

Dumarka Soomaaliyeed, iyaga oo naftooda huraya haddana waxaa u dheeraa xadgubyo kaga imaanayey ragga, sida, kufsi, guur qasab, jirdil, dayacid, xaquuqdooda oo loo diido, dhaxalka oo laga dhaco ama laga xayiro, yasid, fursadaha waxbarashada oo laga leexiyo, talada iyo go’aan gaarista oo laga qeyb galin.

Qiimaha dumarka (Hooyada) iyo sida ay nafta noogu huraan waxaa tusaale muuqda u ah dhacdooyin dunida ka dhacey qaarna la maqley qaarna la daawadey;

1) Dab qabsadey gurigooda awgeed, ayey labo caruur ah oo ay dhashey daaqadda ka laadlaadisey iyada dabka kala carareysa, kuna kalsoonaan waysey in ay tuurto, hadda ogoow iyaduna qeybta hoose jirkeeda ayey ka gubanaysaa oo dabku soo cunayaa. Markii tiirarka jirkeeda qeybta hoose dabku cuney, ayna dareenka dhumisey ayey gacanteeda ka baxeen iyada oo aan weli ogolaan laakin awoodeeda ka baxdey, nasiib wanaagse gurmadka badbaadu soo gaarey lana badbaadiyey caruurtii (Xanuun kasta oo haya waxaa uga daran mid ku gaara adiga);

2) Degaan dhan oo biyo qaadeen ayey Hooyo biyuhu u joogaan dhuunta masafad ama saxan saartey cunugeeda, kadibna madaxeeda saartey si uu nolosha uga danbeeyo (Nafta ayey noo hurtaa Hooyo);

3) Hooyo iyada labadeeda caruura gacmaha heysato dhisme weyn kusoo dumay kadibna lugaha ka jarey, caruurtiina midkood kala go’ay midna dhismaha ku hoos jiro, ayey iyada lugaheeda iyo dhibka ku dhacey arkin doon dooneysaa caruurteeda (Dareenkeedu kuma xirna jirkeeda ee kan caruurteeda ayuu si dhab ah ugu xiran yahey);

4) Labo dumar ayaa isku qabsadey ilmo yar, kadibna xaakim ayaa amrey in loo kala jaro, midda aan dhalin ilmeyga ayaa isla markii la soo boodey hanaloo kala jaro, halka hooyadii dhashey ku doodey in ay ka tanasushey ilmagaas ayna qireyso in ay dhashey midda kale, iyada oo ilmeyneysa laakiin badbaadadiisu uga muhiimsanaatey (Wax jasta waxaa uga horeysa badbaadadaada);

5) Nabi Muuse CS hooyadiis ayaa Allah ku amrey si looga badbaadiyo Fircown oo dili jirey wiilkasta oo u dhasha reer Banii Israa’iil in ay sanduuq ku riddo narkuu dhashey kadibna ku tuurto wabiga, waxaana Allah u balanqaadey in uu badbaadi doono loona soo celin doono, kana mid noqon doono Rusushiisa. Hooyadaas sharafta badan ee  dhashey Nabi Muuse CS iyada oo heysata balanqaadka Alle ayey weli ka welwelsaneyd xaaladda wiilkeeda, waxayna ka fogaatey hurdo, oohintuna waxay ka mid aheyd nolosheeda inta uu ka maqnaa. Waxay dirtey gabdheeda si ay xaaladdiisa war uga keento, Allaah ayaase fuliyey balanqaadkii kadibna u soo celiyey si ay u nuujiso una koriso iyada oo qarineysa in ay dhashey.

Dhacdooyinka iyo qisooyinka muujinaya qiimaha Dumarka, iyo naxariista Hooyo halkaan laguma soo koobi karo, waxaase hubaal ah in ay noloshu tahey naxariista Hooyo.

Khadiija Bintu Khuweylid oo aheyd xaaskii ugu horeeyey ee uu guursadey Nabigeen Maxamed NNKH waxay noqotey qofkii ugu horeeyey ee fahmey Risaalada Allah u soo dhiibey Nabiga CS, waxayna u noqotey garab, wehel, iyo dhiiragelin iyada oo ragga oo dhan diideen. Hooyo Khadiijo RC waxay noqotey qofkii ugu horeeyey ee raacey Risaalada Nabi Maxamed CS.

Ruuxii ugu saameynta badnaa dunida, qofkii ugu kheyrka iyo qiimaha badnaa basharka iyo abuurka Allaba, Nabi Maxamed CS ayaa ku geeriyoodey isaga oo ku tiirsan xabadkeeda, inta badan jirkiisuna dulyaalo dhabta mid ka mid ah gabdhihii ugu kheyrka badnaa kownkaan (Dunida), Caai’sha Radiyallaahu Canhaa! Hadde ogoow ragbaa hareerihiisa ama masjidkiisa buuxay marka uu geeriyoonayey Nabigeena CS.

“Dumarka oo dhan waa hooyo, Hooyana waa hoyga nolosha dunida”

W/Q: (Maxamed Aadan Jimcaale Koofi)