Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Dr; Cali Xaaji Aadan Abuukar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo dalka ayaa  booqasho ku tagay xarunta  Safaaradda J.F Soomaaliya ee magaalada New Delhi

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane , Axmed Cali Daahir iyo diblomaasiyiinta Safaaradda ayaa wasiirka war bixin guud ka siiyay xaaladaha shaqada iyo tan caafimaadka ee dadka Soomaaliyeed ku yimaadaan dalka Hindiya.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa danjiraha kala hadlay in ay muhiim tahay in ka war qab dhaw lala sameeyo xaaladaha ay wajahayaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed xilliga ay joogaan goobaha caafimadka dalka Hindiya,wuxuuna danjiraha uga mahadceliyay dedaalka xooggan ee uu ugu jiro isku xirka hey’addaha caafimaadka Soomaaliya iyo kuwa Hindiya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Dr; Cali Xaaji Aadan Abuukar iyo wafdigiisa ayaa Hindiya kaga qeyb galay shirar muhiim ah.