Ilaahay ayay mahad idilkeed u sugnaatay, Naxariis iyo nabad gelyo illaahay dushiisa ha yeelo Nabi Maxamed.
Fadliga ay leedahay bisha ramadaan guud ahaan waa mid weyn waana bilaha 12 ka ah ee sanadka tan ugu fadliga badan sida ku cad shareecada islaamka bishan waxay kulansatay kheeraad badan. Waxaan nagaga filan xadiis ka sugan nabiga n.n.k.h kaa oo ah macanihiisa marka ay bilato bisha ramadaan shayaadiinta oo dhan waa la xirxirayaa.
Tirada ay bishu ka koobantahay ayaa loo kala qeybiyey 3 qeybood oo kala ah tobanka hore, toban dhexe iyo toban dambe. Saddexdan qeybood ee toban tobanka ah ayaa qeyb walba waxay xambaarsantahay kheyraad iyo faa’iidooyin gaara, kuwaasoo kala ah:
Tobanka hore lagu tilmaamay inay tahay raxmad ama naxriis.
Tobanka dhexe oo lagu sheegay inay tahay Dambi dhaaf.
Iyo Tobanka ugu dambeeya oo ku tilmaaman in Alle SWT addoomadiisa ka xoreynayo Naarta, Alle hanaga dhigo kuwii ka wada faa’ideysta dhammaan qeybaha lasoo tilmaamay, Aamiin.
Tobanka ugu danbeeya bisha ramadaan marka la gaaro sida ku sugan kitaabada sunada nabiga nnkh waxa uu u dadaali jiray si uusan ugu dadaalin 10-nadii hore.
Caaisha ilaahay haka raali noqdee oo ah mu’umniinta hooyadood xaaska nabiga scw waxay tiri (marka la gaaro 10-ka danbe ee bisha ramadaan habeenkii oo dhan cibaadada ayuu ku nooleen jiray Rasuulka SCW oo ku dadaali jiray reerkiisana hurdada ayuu ka toosin jiray hoos guntiga ayuuna adkeysan jiray oo waa uu dadaali jiray) Hadaba waxaa u wanaagsan shakhsiga Muslimka ahi inuu ku daydo suubanaha rasuulka Alle NNKH isagaa ku dayasho ugu fiican.
Waa inaanu lumin fursadan qaaliga ah oo cimrigiisa soo maraysa taasoo ah 10-ka danbe ee qaniimada dhex taalo oo aadka u fadliga badan, sida ku xusan nusuusta waxaa ku jira habeenka la yiraahdo (leylatul qadri) haddii aad haleesho habeenkaas waxay u dhigantaa adiga oo cibaadeestay 83 sano iyo bilo. Sidaan wada ognahay umada nabi maxamed cimri ahaan waxay u badan yihiin inay gaaran 60 illa 70 illa 80 waxaa yar inta dhaafta da’adaas.
Fadliga tobanka dambe ee bisha ramadaan waxaa ka mid ah:
Leylatul Qadri
Waa maxay leylatul qadri?
Culimada waxay yiraahdeen micnaheeda
Waxaa weeye:- qadarka iyo qiimaha habeenkaa ayaa weyn oo ilaahay waxa uu asturaa ceebaha dad badan waxa uu u danbi dhaafaa adoomo badan.
Qofkii habeenkaa cibaadada ku dadaala habeenkaa qadarkiisaa ayaa sare maraya
Waxaa kaloo culimadu yiraahdeen:- waxaa lagu qadaraa acmaal badan oo waxa uu ilaahay ku qadraa kuwa dhimanaya kuwa noolaanaya kuwa guuleysanaya kuwa halaagsamaya kuwa noqonaya kuwa sacaada hela aduun iyo aakhiro kuwa xumaanaya labada daarood.
Waxaa kaloo ay culimada yiraahdeen qadartii ku qorneed luuxal maxfuudka ayaa laga soo guurinayaa qadartii sanadka oo loo soo dhaadhicinayaa qof walba waxii loo qoray.
Waxay kaloo culimadu sheegeen in uu yahay habeen aad u weyn oo
“Qofkii habeenkaas u istaaga cibaado isagoo ilaahay rumeysan ajarna ka filaaya waxa uu ilaahay udhaafaa danbigiisa uu horay u galay”
Habeenkan leylatul qadriga fadligiisa waxaa ka mid ah.
Quraanka ayuu ilaahay soo dajiyay
Waa habeen ka kheyr badan 1000 habeen
Waa habeen barakeesan
Malaaikta ayaa habeenkaa soo dagaysa
Waa habeen nabad gelyo
Waa habeen wax walba oo suuban la xugminaayo
Ilaahay ayaa u danbi dhafaa habeenkaa ruuxii muslim ah oo haleela asigoo cibaadeysanaya.
Sida ku Cad axaadiis ka sugan nabiga naxariis iyo nabadgelyo korkii ilaah ha yeelee habeenkan qiimaha badan ee leylatul qadri waxa uu ku jiraa 10-ka danbe gaar ahaan maalmaha tirada is dheer ee kala ah 21-23-25-27-29. Ilaahay hana haleeshiyo habeenka leylatul qadriga ah.
Waxaa kaloo aad muhiim u ah oo isu dardaarmaynaa in aan badino baryada Alle SWT kana barino inuu na waafajiyo kheyrka badan ee bishaan barakeysan ka buuxshay. Waxaa kaloo wanaagsan in aan u duceyno walaalaha muslimiinta oo dhan iskuna kaashano inaan habeenadaas 10-ka ah ee fadliga gaarka ah Alle yeelay ku dadaalno waayo ma jirto cid naga mid ah oo og in mar kale soo marayso fursadan qaaliga ah.
Ilaahay waxan ka baryeyaa in uu naga dhigo kuwii loo dambi dhaafo naartana laga xoreeyo, waxaan kaloo Alle ka baryeyaa inuu cimri dheer oo cibaado suuban leh na siiyo Ramadaano kaloo badanna na gaarsiiyo nooguna kaalmeeyo inaan ka wada faa’iideysano.
Ugu dambeyn: Waxaa nafteyda iyo tiina kula dardaarmayaa inaan ku dadaalo cibaadada noocyadeeda kala duwan si aan uga faa’iideysano habeenkaas kheyrka badan oo ilaahay aan u kaalmeysano kana barino inaan gaarno habeenkaas.
WD: Ibraahim Warsame