Shacabka Xuddur oo maanta tukaday Salaad roob doon ah

Magaalada xudur ayaa markale maanta waxa lagu tukaday salaad roob-doon oo alle looga baryayo nimcadiisa, xilligaan oo gu’ga wali si fiican uga da’in xudur iyo deegaanada kale ee hoos yimaada gaar ahaan dhul beereedka oo dadka beeralayda ah aad uga deyrinyaan maadaama roobabkii sanadkaan la filayay aan wali da’in.

Guud ahaan shacabka waxa la faray Alle bari shanta salaadood ciribtooda masaajidada waa lagu qanuudaa, maalmihii lasoo dhaafay waxa jiray Qur’aan si wada jir ah culimada u akhrinayeen, banaambaxaan salaada lagu tukadayna waxana ka soo qeyb galay culimaa’udiin, masuuliyiinta deegaanka iyo bulshada inteeda kale, marka laga baxay salaada culimada waxay soo jeediyeen in Alle loo towbadkeeno.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegey in dadka reer Xudur intooda badan beeraley yihiin, isla markaana aysan jirin wado kale oo dadka ay beerahooda ku waraabsan karaan hadii roob la waayo.