Waxaynu soo gaadhnay tobankii ugu danbeeyay ee bisha ramadaan waxana ku sugan khayraad iyo ajar faro badan waxa kaloo ay leedahay fadliyo aad u weyn sidaa darteed waxa aanu isku dayi doona in aanu wax ka tilmaamno fadliga tobadnka danbe, waxyaaba u khaaska ah tobanka danbe ee bisha ramadaan, Nabigu (CSW) aad ayuu ugu dadaali jiray cibaadada weliba si aanu u dadaalin wakhtiyada kale waxa ku sugan saxiixul muslim Xadiiska Caa’isha laga soo warinayo (RC) (Nabigu (CSW) wuu ku dadaali jiray cibaada tobanka danbe si aanu u dadaalin jirin wakhitiyada kale)
Waxa ku sugan Bukhaari iyo Muslim xadiisyo tilmaamaya siduu Nabigu (CSW) uu u cibaadaysan jiray tobanka danbe ee bisha ramadaan waxana ka mid ah (Marka ay gaarto tobanka danbe ee bisha ramadaan nabigu (CSW) guntiga ayuu u adkaysan jiray, habeenkana wuu noolayn jiray ehelkiisana wuu toosin jiray)
Xadiiska laga soo warinayo Caa’iisha (RC) (Nabigu (CSW) labaatanka ugu horeya ee bisha ramadaan marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray laakiin tobanka danbe ee bisha ramadaan wuu soo jeedi jiray guntiga ayuuna u adkaysan jiray).
Axaadiistani waxay ay ina tusayaa fadliga faraha badan ay leedahay tobanka danbe ee bisha ramadaan iyo sidii uu Nabigu (CSW) u dadaali jiray inagana aynala gudbontahay in aynu ku dayano, Mar hadii Rasuulkii illaahay (CSW) uu u dadaali jiray si aanu u dadaali wakhtiyada kale dadaal dhamaystiran oo ah dhinaca kasta oo ah cibaadada, hadii ay tahay salaada, quraanka akhriskiisa, digriga illaahay, sadaqada bixinteeda iyo wixii la mid ka Marka Nabigu (CSW) uu guntiga adkaysanayay macnaheedu waxay tahay wuxuu ka durkayay haweenkiisa si uu ugu go salaada iyo xuska illaahay habeenkana waxa uu ku noolaynayay salaad iyo quraan iyo xusuusta illaahay oo ah qalbiga carabka iyo xubnahaba.
Wanaagga habeenadani ay leeyihiin iyo Raadinta laylatu qadriga qofka ku dadaala isagoo rumaysan illaahay oo illaahayna ka rajaynaya danbi dhaaf iyo naxariis Illaahay wuu dhaafa wixii danbi hore ee uu galay, muu qaalka xadiiska waxa aad ka arkaysaa in ay wanaagsan tahay in habeenkii lagu nooleeyo cibaadada illaahay iyo xusuustiisa iyo quraanka iyo salaada ilaa loo diyaar garoobo suxuurta.
Caa’isha (RC) waxay tiri (MA GARANAYO AYAY TIRI HABEEN UU NABIGU (CSW) UU ISTAAGAY ILAA WAABIRIGA) halkaas waxanu ka fahmi karnaa in uu Nabigu (CSW) uu kici jiray habeenka intiisa danbe, habeenadaa noolayn teedu waa mid wada sugan weliba tobanka danbe ee bisha ramadaan Salaatu laylka iyo Noocyada kale ee ah cibaadada.
Waxa xadiisyada ina tusayay fadliga ay leeyihiin tobanka danbe ee bisha ramadaan ee ay ka mid yihiin, in uu Nabigu (CSW) uu toosin jiray ehelkiisa si ay u tukadaan salaada isagoo ku dadaalaya si ay uga faa’iidaystaan habeenadan barakaysan ee qofka cibaadaysta u noqonaya fursad soo martay cimriga noloshiisa waxana ka faa’iidaysta qofka illaahay waafajiyo, lama gudboona qofka mu’minka ah ee caqliga leh in uu iska dhaafo fursadaan qiimaha badan oo aanay ka faa’iidaysan isaga iyo ehelkiisu waana habeeno tirsan waxana laga yaaba in illaahay ku waafajiyo raxmadiisa waxyaaba aad ku kasbato oo aad ku liibaanto aduunyo iyo aakhiraba.
Waxa wax aad looga xumaada ah khasaare iyo muragana leh in aad arkayso in badan oo ka mid ah muslimiinta oo wakhtiyadan qiima badan leh uu kaga lumayaan waxyaabo aan waxba u anfaceyn iyagoo habeenkii oo dhan ku soo jeedaya dheel dheel iyo laqwi marka ay gaarto wakhtigii salaadana iska seexanaya waxa ay naftoodi seejiyeen khayr badan waxana laga yaaba in aanay fursadan oo kale dib u soo marin, hadaba kuwa la ciyaaray shaydaanka iyo khiyaamadiisa ee uu ka gooyay wadadii illaahay loo marayay illaahay waxa uu yiri (SW) “Adoomadayda uma lihid wax awood ah oo aad ku kaxaysato mid halowsan oo ku raaco mooyane” [Suuratu al Xajar-42]
Waxaynu ognahay in aan qofka caqliga lihi shaydaanka iskaashi la yeelanayn inta illaahay ka sokaysa isagoo garanaya in uu yahay cadowgiisa taasina waa garashada wanaagsan ee caqliga iyo iimaankuba ay diidayaan, illaahay waxa uu yiri (SW) “Ma waxaad ka dhiganaysaan tafiirtiisa qaar aad kaashataan aniga sokadayda iyagoo idiin ah cadow waxa xumaaday kuwa halowsani waxa ay wanaaga dhaafsadaan” [suuratu kahfi-50]
Illaahay markale waxa uu yiri “shaydaanku waxa uu idin yahay cadow ee idinkuna ka dhigta cadow in kale maaha waxa uu idinku yeerayaa in aad noqotaan xisbigiisa si aad u noqotaan dadka naarta lagu guro”[Faadir-6]
Waxayaaba u gaarka ah tobankan waxa ka mid ah In uu Nabigu (CSW) uu samayn jiray ictikaaf, ictikaafku waa adiga oo laasima masaajidka si aad wakhti ugu hesho cibaadada illaahay waana sune ku sugan kitaabka illaahay iyo sunaha rasuulkaba (CSW) illaahay waxa uu yiri (SW) “Hala macaamilina dumarka intaad ku jirtaan ictikaafka masaajidka taasi waa xuduudi illaahay hana u dhowaanina sidaa ayuu illaahay ayaadkiisa dadka ugu cadaynayaa waxay mudan tihiin in aad illaahay ka cabsadaan” [albaqra-187]
Nabigu (CSW) ictikaafka wuu sameyay asxaabtiisuna intuu noola iyo intii ka danbaysay way la iman jireen, Abi Siciid Al khudri waxa laga soo wariyay in uu yiri (NABIGU (CSW) Waxa uu ictikaafay tobankii hore ee ramadaan dabadeedna tobankii dhexna wuu ictikaafay, dabadeedna waxa uu yiri anigu waxa aan ictikaafay tobankii hore weliba waxan si adag u sii ictikaafaya habeenkan caawa ah ka dibna waxa uu ictikaafay tobankii dhex waan u imi wuxuna igu yiri waa tobankii ugu danbeyay ninkii doona inuu ictikaafo ha ictikaafo) Saxiixenkana waxa ku sugan ee caa’isha (RC) laga soo wariyay (NABIGU (CSW) WUU ICTIKAAFI JIRAY TOBANKA DANBE EE RAMADAAN ILAA INTUU DHIMANAYAY) dumarkiisuna way ictikaafayeen isaga Rasuulka (CSW) dabadii waxa kaloo caa’isha (RC) laga soo wariyay (In uu nabigu (csw) uu ictikaafi jiray ramadaan kasta toban cisho laakiin sanadkii uu geeriyooday (n.n.k.h) waxa uu ictikaafay 20 maalmood). Anas (RC) waxa laga soo wariyay (Nabigu in uu ahaa kii ictikaafay tobanka danbe ee bisha ramadaan, sanadna uuna ictikaafin laakiin sanadkii ka danbeyay ayuu 20 ictikaafay)
Waxa laga soo wariyay Safiya (RC) Hooyadii muuminiinta Nabigu (CSW) Isagoo ictikaafaya ayaan u imi oo aan soo booqday habeen waana aan la sheekaystay ka dibna waan kacay si aan u tago nabiga (CSW) nabiguna (CSW) waa uu soo kacay sidiibana aan kaga tagay)
Qofka ictikaafka samaynaya waxa ka xaaran ah in uu u galmoodo xaaskiisa, soo bixitaanka qofku ka soo baxayo masaajidka waxay noqonayaan sidan.
In uu usoo baxo qofku arin daruuri ah sida qofka oo kaadi taga ama soo waysaysanaya ama soo madhanaya, cuno iyo cabid doonanaya taa waa la ogal yahay hadii aan masaajidka gudihiisa laga helayn, hadii baahiyahaan masaajidka gudihiisa laga helayo lama ogala qofku in uu baxo, hadii qofka biyaha iyo raashinka loogu keenayo masaajidka dhexdiisana lama ogala inuu baxo.
Waxyaabaha u khaaska ah Tobanka danbe ee bisha ramadaan waxa ka mid ah in uu ku jiro laylatu qadri kaas oo ka khayr badan 1000 bilood, hadaba waxa nala gudboon in aynu garano fadliga ay leedahay tobankan habeen oo aynan dayicin wakhtigoogu waa qaali khayr kooguna wuu badan yahay.
Illaahayow waxa aad na waafajisaa wixii khayr inoo leh aduun iyo aakhiraba illaahayow danbigayaga dhaaf iyo ka waalidiintayada iyo dhamaan muslimiinta Nabigeeni Maxamed ahaa N.N.K.H isaga ehelkiisa iyo asxaabtiisa iyo dhamaan cidii xaqa ku raacda ilaa qiyaamaha, illaahay baana waafajinta leh.
WD: Ibraahim Warsame