Ciidamada xoogga dalka waa ciidan loogu talagalay difaaca ciidda iyo calanka waxaana la aas aasay 1960kii 12-kii Abril.
Haddaba, markii la gaaro manaasabadaan waxaa laga xusi jiray dalka oo dhan waxayna madaxda hambalyo ku aaddan farxadda maalintaas la wadaagi jireen ciidamada xoogga dalka iyo xaasaskooda.
waxay soo bandhigi jireen damashaad iyo gaadda ka ciyaar waxaana si weyn loo xusi jiray ciidanka dagaalka ku naafoobay iyo agoonta abbayaashood ku dhinteen dagaalka waxaana si aad looga farxin jiray xaasaskooda iyo caruurtooda
dhanka kale, waxaa aad loo xusi jiray dadka u naafoobay iyo agoonta iyo kuwa howlgabka noqday.
Haddaba, ilaa iyo xilligii la aasaasay ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ayaa
sannadkiiba hal mar waxay sameyn jireen bandhigyo iyo fantasiyo iyo gaadda ka ciyaar si loo ogaado in ay dalka joogaan ciidan difaaci kara dalkooda iyo diintooda wuxuuna taliska xoogga dalka soomaaliyeed ahaa meesha hadda loo yaqaan afisiyooni. Hoggaannadu waxay kala ahaayeen hoggaanka
ciidanka dhulka ka dibna waxaa la sameyey hoggaamada ciidanka badda iyo hoggaanka ciidnka circa.
waxaa ururradii ugu horreeyey laga dhisay magaalooyinka kala ah hargeysa birjeex iyo burco dhifsade burco gaalkacyo iyo beled weyne qaybdiid iyo buulaberde dab iyo dhagax iyo ka dibna waxaa lagu daray saldhigga 43aad ee kismaanyo iyo baydhabo iyo taliska weyn ee ciidamada xoogga dalka oo
ahaa magaalada muqdisho gaar ahaan xalane iyo afisyooni waxaana madax ka noqday jeneraal daa,uud c/lle xirsi ka dibna waxaa lagu soo daray sarakiil ay ka mid ahayeen salaad gabayre kadiye qoorsheel iyo maxamed caynaanshe guuleed haddaba, ciidanka xoogga dalka waxaa loo tayeeyay ama kor loo qaaday
tababarkiisa iyo hubkiisa markii lagala wareegay xukuumaddii lixdankii oo ay ciidamadu la wareegeen xukunka, waxaana gacan siiyey dowladihii uu hoggaaminayey midoowga sofiyeetiga oo gacanta ku qabtay tababarka iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed waxaana xilligaas taliye u noqdaya jeneraal maxamed cali samatar wuxuuna garay ciidanka soomaaliya ciidanka ugu awoodda badan afrika iyo carabta masar iyo ciraaq mooyaane marka loo eego xagga aqoonta iyo tababarka.
waxaa ka mid ahaa waxyaalkii lagu aqoonsaday ciidanka soomaaliya diyaaraddii jarmalka laga soo afduubay ee lagu badbaadiyey garoonka magaalada muqdisho oo ay ku badbaadiyeen ciidanka kumaandooska soomaaliya, diyaaraddas oo meela badan soo martay waxna looga qaban waayey.
dagaalkii ay lagaleen ciidamadu dowldda itoobiya 1977dii kaasoo oo adduunku si weyn ugu kala safteen halka uu ku dambeyn doono.
Waxay qabsadeen dalka itoobiya intiisa badan iyo dagaalkii 1964tii ee ka dhacay agagarka togwajaale kasoo isagana ay ka soo hoyeen guul wax ool ah oo laga fileyn in ay iska cabin karaan ciidanka markaas jiray ee itoobiya wuxuuna xilligaas ahaa ciidanka soomaalidu 4,000 Afar kun oo kaliya waxayna u birdhigeen ciidanka itoobiya oo gaaraya ilaa 100,000 kun oo ciidan ah.
Haddaba, geesinnimada ciidanka soomaalidu waa mid la isku halleyn karo ee halla ogaado laakiin waa in loo tababaraa sidii uu ahaan jiray waxaana soo jeedineynaa in ciidanka lagu tababro dalka gudahiisa taas ayaa qiimo badan haddeysan ahayn kuwa diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka intooda kale waxaa fiican in ay dababarka ku qaataan dalka hooyo
WQ: Abwaan Gabayre