SHEEKADII NINKII GABADHA DUMAALAY

Bari baa naag saygeedii oo ay aad u jecleedi ka dhintay, markaa baa waxaa dumaal ahaan u guursaday walaalkiis ka yaraa oo ay hal da’ oo kaliyihi u dhaxaysay, balse ka yar dabacsanaa oo aan sidii oo kale u fircoonayn qurxux la tilmaami karaahi aanay ka muuqan , aad’se u caqli badnaa.

Gabadha la dumaalay oo aan markeedii hore ninka loo guuriyay ka qanacsanayn , balse ay eheladeedu ku dirqiyeen ilmaheedana u turaysay oo islaheed hadaad nin kale guursato ciyaalkaa kaa dayacmaya , ayaa mar walba ninka dumaalay ku oran jirtay ‘ adigu nin maahide walaalkaa baa kaa feecnaa’.

Ninkii oo qudhiisu islahaa nin kaa feecaniba aduunyada kuma noola, ayay weedhaasi uurku taal ku abuurtay oo u dulqaadan waayay maadaama ay naagtu halku-dhag ka dhigatay oo ay habeen iyo dharaar iyo ceel iyo carshinba dhagihiisa biil maalinlaa uga dhigtay, fagaarayaal badanoo ay aqayaari buuxdona ku ceebaysay.

waxaa maankiisa karkarinayay aragtiyo kala duwan , wuxuuna ku haminayay inuu mar un halku dhagga cayskaasa ka taqaluso , oo uu naagta is ogolaysiiyo asagoo caqligiisa iyo maskaxdiisa dihan kaashanaya.

Wuxuu aragtiyo kala duwan hadba dhinac u rogoba waxaa u soo baxay qorshe cajiib ah , oo haddii uu ku dhaqaaqo aan naagta mar danbe la maqli doonin ‘walaakaa baa kaa feecnaa ‘ iyo wixii la hal maala , asagana ka saaraya sumcad xumida ay weedhaasi u keentay , oo uu fagaarayaasha uga quustay.

Wuxuu go’aan ku gaaray in walaalkii oo asagu naagta ka dhintay aadna ay u jecleed qabrigiisii ay siyaartaan ,xoolana ku qalaan, oo ay u duceeyaan qur’aanna ku soo akhriyaan, qorshahaas ayuu islaantii u sheegay ayaduna aad bay ugu faraxday arrintaa.

Xilligii lagu ballamay in siyaarada la sameeyo ayuu islaantii ku yiri “ariga ayaan raacayaaye neef noo qal oo qabriga culumada joogtee qur’aanka ku akhrinaysa hilba u gay anigu hadhow unbaan imaanayaaye”, aqbal iyo gudoon bay tiri markaa howshii guda shay oo neefkii birta ku xagtay ayadoo madaxa luxaysa, hees howleedna ku ganuunacaysa oo aad moodo inay aad u faraxsantahay.

Asagii intuu labo geed shishay ka maray , oo arigii labo cunug raaciyay , dhar madmadow oo dhiiqo lagu maluuqay xirtay, wajigana dhuxul ku madoobaystay buu qabrigii agtiisa isku lamaaniyay. cabbaar ka dib bay ayadoo hilbihii oo bisil iyo caanoba isku wada, oo isleh culumada ugay ayay qabrigii isisoo dul taagtay . markay hilbihii dhulka dhigtay buu asagoo sidii jinniga u madow meel xagaa ka soo booday, oo ul waynoo uu gacanta ku haystay islaantii si bilaa raxmad ah ula dhacay , oo laftay taagoba jabiyay hawdkiisiina isaga laabtay.

Ayadoo dalambaabis ah socadkuna uu dhibayo, balse dhibaato kale ka baqaysa ayay goobtii ka hadaaftay.

Markuu hubsaday inay tagtay ayuu hawdkii ka soo baxay, oo hilbihii meesha yaallay ka noolaaday dabadeedna is ka tagay, oo wiilashii uu ariga raaciyay dhankoodii abaaray.

Si aan loo fahmin ayuu galabtii reerka dhinac kale ka soo galay, markuu yimid ayuu arkay xaaskii oo maro ku duuduuban , sidii ruux sakaraadana barbar u jiifta markaa buu ku yiri ” naa heblo maxaa kugu dhacay galabta ma xanuunsanaysaa, culumadiise maanta hilbihii ma ugaysay anigu arrin kalaan ku mashquulaye” , ayadoo sidii ruux caloosha ka qalan dhinaca ku dhulka ku dhajinaysa, ayay maradii ku qamaamudneed intay madaxa aayar ka qaaday cod gaaban ku tiri ” war igama hayside iga aamus” , ” maxaa kugu dhacay ma kaa caddahay” ayuu ku yiri, waxayna ugu jawaabtay ” war wax kale iguma dhicine inkaar qabihii kula dhashaa intuu qabrigii ka soo baxay idilay oo laftaan taagoba i jabiyay” , intuu sidii wax naxay indhaha ka Walac walacsiiyay, oo madaxa luxay ayuu ku yiri ” inaalilaahi waa inaa ilayhi raajacuun war soo anigu kuma dhihin ninkaa dhintay warkiisa iska daa yaanu ku jiidane “.

Maalintaas wixii ka dambeeyay naagtii lagama maqal weedhii hal-qabsiga ay ka dhigatay ee ahayd ” adigu nin maahide walaalkaa baa kaa feecnaa”.

W/Q: Abwaan Hareeri.