Suudaan:Daadgureynta dadka ajanabiga ah oo ka socota Khartuum

Waddamada shisheeye ayaa ku howlan sidii ay muwaadiniintooda uga soo saari lahaayeen Dalka Suudaan oo todobaadkii labaad ay ku dagaalamayaan laba garab oo ciidamo ah oo iska soo horjeeda.

Dalalka Talyaaniga, Holland iyo Giriiga, ayaa sheegay inay qorsheynayaan dadaallo samatabixin ah,halka  Jarmalka iyo Faransiiska ay Axaddii ku dhawaaqeen inay bilaabeen daad gureynta muwaadiniintooda iyo kuwa dalal kale ka yimid.

Mareykanka ayaa sheegay in in ay soo daadgureeyeen in ka yar 100 qof oo ka joogay Suudaan.,waxaana dhinaca kale Raiisel wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Rishi Sunak uu sheegay in ay soo badbaadiyen dublamaasiyiinta Ingiriiska iyo qoysaskooda lagana soo saaray Suudaan.

Dagaalka Suudaan oo qarxay 15-kii bishishaan ayaa sababay dhimashada  ugu yaraan 420 qof iyo dhaawacyo fara badan,halka la tilamaamay in ay jiraan burbur hanta.

kooxaha iska soo horjeeda ayaa ku dagaallamaya caasimadda Khartoum,waxaana jira malaayiin qof oo ku xayiran guryaha,kuwaas oo ay la soo derseen  biyo iyo cunto yari.