Yemen:78 ruux oo ku dhintay goob lagu bixinaayey adeeg samafal

In ku dhow78 qof ayaa lagu dilay isbuurasho ka dhacday iskuul ku yiillay caasimadda Yemen ee Sanca,xilli dad boqolaal ruux ah ay sugaayeen adeeg samafal oo loogu talagalay in lagu bixiyo Fitrada bisha Ramadaan.

Dhimashada dadka ayaa timid waqti boqolaal ruux ay isugu soo baxeen iskuul ku yiillay degmada Bab al-Yemen ee Sanca, iyagoo rajeynaya inay helaan deeq samafal oo ku dhow 10-Dollar oo dad ganacsato ah ay ugu talagaleen in loo isticmaalo adeegga Fitrada.

Goobjoogayaal la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in ciidamo ka socda Xuutiyiinta hubeysan ay rasaas u tideen hawada,iyagoo doonaya in ay ku kala eryaan ama ku xakameeyaan dadka , hasa yeeshee rasaastaasi ayaa la tilmaamay in ay ku dhufteen silig koronto, kaasoo qarxay, isla markaana abuuray argagax sababay isbuurasho.

Muuqaalo kala duwan oo ay baahiyeen Xuutiyiinta gacanta ku haya caasimadda, ayaa muujinaya dhiig, kabo iyo dhar daadsan dhulka  iyo kooxo baarayaal ah oo ku sugan goobta ama aagga.