Caalamku waxaa uu marayaa qarnigii teknolojiyada iyo horumarka wuxuuna ku tallabsanayaa horumarro kala duwan taas oo ay tahay in Soomaalidu la saanqaado .
Soomaaliya waxay in ka badan 30 sano ku jirtay tiih iyo dhibaato saamweysay dadkeeda kana dhigtay kuwo qaxooti ku ah dunida daafaheeda oo uu ku heysto ciriiri iyo nolol adag oo ay u dhaami lahyd tan dalkooda haddii ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalkooda .
Dalku wuxuu u noqday tilmaan dalalka dunida ugu faqrisan uguna ammaan xun isla markaana waxaa soomalida meel walba u maray magaca ah dadkii aan dowladda lahyn (Stateless) taas oo dishay sumacaddii soomaalida.
Marxalado kala duwan iyo dhibaato badan ayaa loo maray sidii dalkan sumcaddiisa loo soo celin lahaa waxaana jiray shirar kala duwan oo ka dhacay dalal kala duwan sida Jabuuti, Itoobiya Masar , Kenya iyo kuwo kale si mar kale dib loogu yagleelo qarankii Soomaaliyeed ee burburay.
Is jiid jiid badan, khilaaf iyo dagaallo kala duwan oo la soo maray ka dib waxaa lagu guuleystay in nidaamkii fowdada dalka laga saaro oo ay bilowdaan hannaankii Ku meel gaarka oo dalka meel wax laga ambaqaadi karo dalka ku soo simay ilaa ugu dambeyntii uu dalku ueesho nidaam dowladeed buuxa oo aan ku meel gaar aheyn.
Waxay aheyd guul la gaaray oo xoogaa soomaaidu kaga nasatay dhibkii dagaalada sokeeye ee soo maray ayna mar kale uga soo muuqatay fagaareyaasha caalamka ee ay muddada ka maqneyd..
Ilaa dhowr doorasho ayaa dhacday haba ahaadeen kuwo nidaamka odayaasha iyo qaabka awood qeybsiga 4.5 ku imanaayey si loo gaaro nidaam doorasho oo buuxa ayaana rajadu tahay mustaqbalka soo socda ee dhow.
Soomaalida waxaa u soo bidhaamay xoogaa rajo ah oo ka duwan kuwii hore kana wanaagsan waxaana markii ugu horreysay ciidanka iyo shaqaalaha dowladduba heleen mushaar bil walba u soo dhaca.
Nidaamka socodka xafiisyada dowladda ayaa isbedelay oo waxaa la helay maamul dowli ah oo muuqanaya in uu hore u socon karo.
Dal kasta oo dunida ah waa jiraan afkaaro la isku diidi karo caalamkuna wuxuu ku dhaqmaa hannaanka dimoqraadoiga afkaarahana lama diidi karo oo qof kasta waxa uu qabo bannaanka ayuu keeni karaa laakiin caalamka wuxuu inooga duwan yahay qofku afkaartiisa si caqligal ah oo waxtar leh waxna dhiseysa ayuu ku soo gudbin karaa.
Soomaalida ma aha dimoqraadiyadda iyo iska horjeedka in ay u arkaan dagaal laakiin waa in ay u arkaan qaab wax isu sheegis degan oo aan cunfi ku dhisneyn.
Qof walba horumarka iyo nabadda waa jecel yahay laakin waa in qofku hortiisa eegaa oo aan aanu gadaal u noqon..labo tallaabo gadaal hal tallaabo horey ,horusocod maaha.
Qofka horumar iyo horusocod ku fekerayaa waa in uu eegaa inta tallaabo ee hore loo qaaday ee aanu ka fekerain in tallaaboyin hor leh gadaal loo qaado.
Caqlig a iyo garashadu waa in ay shaqeyaan oo aaney caadifaddu noqon midda hoggaamisa maskaxda taas oo keeneysa in aan laga dhaxlin wax wanaag ah
W/Q: Mohamed Shiil.